Guddoomiyaha Waddani oo ka Jawaabay Eedaymo Masuuliyiinta Xisbiga UCID u jeediyeen

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka jawaabay dhaliilo ay u soo jeediyeen masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga dhiggooda ah ee UCID, kaas oo ay ku eedeeyeen inay sharci-darro tahay inuu isku hayo labada xil ee Guddoomiyaha golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Guddoomiye cirro oo maanta ka hadlayay munaasibad loo saxeeyey wan-qalka xisbinimo ee Waddani, ayaa yidhi, “waxay u tageen Xukuumadda waxay ku yidhaadeen Cirro maysku hayn karaa labadaasi kursi waxaanay xukuumaddu ugu jawaabtay annagu dastuurka kuma hayno meel ay ku qorantahay Cirro labada kursi iskuma qabankaro,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

CIRRO_WadaniGuddoomiye Cirro isaga oo u jawaabaya madaxda UCID, waxa uu yidhi, “Xisbiyada waxaa kujira  dad Gudoomiyenimada isku soo sharaxay 3 jeer wax ka badan waxaanan filayaa inaad wada garanaysaan,” ayuu yidhi, waaanu intaas ku daray, “Saaxiibkay Jamaal waxaan leeyahay Faysal oo soo xiiqay oo doonayey wax uu iskaga wareejiyo xiiqsanaatiisa yaanu ku dawakhinin.”

Mar kale isaga oo madaxda UCID la hadlaya, waxa uu yidhi, “Saaxiibayaashay Ucid waxaan leeyahay malaha waad dawakhsan tihiine kuwa mucaarad nimada idiinka baahani maaha Waddani oo ay ahayd inaynu mucaaradnimo ahaan  isku kaashanee kuwa mucaaradnimada idiinka baahani waa saaxiibkay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Kulmiye Saaxbiibkay Muuse Biixi Cabdi,” ayuu yidhi Mr Cirro.

waddanigaDhinaca kale, waxa uu sheegay inay waajib tahay inay Somaliland dhaafsato ganacsiga Qaadka ee ka yimaada Itoobiya, waxsoorka Somaliland, si looga hortago maaliyadda xad-dhaafka ah ee dalka ka baxaysa.

SOMALILANDPOST.NET