Guddoomiyaha UCID  oo ka Hadlay Shir Jabuuti Uga Socda Somalia

Hargeysa(SLpost)- Eng Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga Ucid, ayaa shirka wadatashiga hiigsiga 2016-ka ee Somalia uga furmay Jabuuti ku eedeeyay in Niman Khaatumo aaminsani dabada ka riixayaan. Waxa uu meesha ka saaray rajada Somalia qabto ee ah in Somaliland iyo Somalia mar kale isku soo noqdaan, sameeyaana midnimo.

 

Guddoomiyaha Ucid, wuxuu ku dooday in midnimadii Somalia cidda keentay ahayd Somaliland islamarkaana aanay hadda diyaar u ahayn soo celinta midnimada, iyadoo Soomaalida intii kalena tashatay, wuxuuna siyaasiyiinta Somalia ugu baaqay inay dalkooda hagaajiyaan.

 

Eng Faysal ayaa sidoo kale bogaadiyay dib u habaynta ka socota waaxda garsoorka Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo bookhday  shalay xafiisyadooda.