Guddoomiyaha UCID oo Dhaliilay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Xukuumadda, mashruuca biyo-gelinta Caasimadda ee la marin-habaabiyeyna talooyin ka soo jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa walaac ka muujiyay hoos u dhac ku yimi Siyaasadda arrimaha Dibada ee Somaliland iyo muranka Biyo gelinta Caasimada ka taagnaa bilihii u dambeeyay.

Faysal Cali Waraabe oo dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar muddo qaatay oo uu dibada ugu maqnaa, ayaa faahfaahin ka bixiyay Shirar uu kaga qayb galay wadamada Mexico iyo maraykanka, iyo sidoo kale kulan uu dalka Itoobiya kula yeeshay madaxda Wasaaradda arrimaha dibada.

fayslaGuddoomiyaha oo ay Madaarka ku soo dhaweeyeen, Madaxda sar sare ee Xisbiga UCID iyo Guddoomiyaha Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in Dagaal siyaasaddeed Somaliland kaga socdo dalka Somaaliya, dawladda iyo shacbiga Somaliland arrimo dhexdooda ah kaga mashquuleen ilaalinta qaranimada iyo ictiraaf raadinta dalka.

“Siyaasadda arrimaha dibadu way taagantahay. Halkaynu isla marayno iyo halka wax marayaan isma laha , baylah badanbaa dhacday, waxaynu nahay dadku isku jeeda, xilkii aynu umadda u haynayna waynu ilownay, wixii la balanqaaday ee ictiraafkana waa la ilaaway, markaa waxaa loo baahanyahay in dib laysu abaabulo.

Waxa jirta in Madaxweynaha Garoowe, isagoo isticmaalaya Reysal-wasaaraha Somalia, ayuu intaa dagaal inagula jiraa,”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiyaha oo ka hadlaya arrinta Xadka Itoobiya iyo wadahadalo uu kala yeeshay Wasaaradda arrimaha dibada ee dalkaas ayaa yidhi, “Waxaan soo maray dalka Itoobiya waxaan kula kulmay Wasiirka arrimaha dibada ee dalkaas oo aan kala hadlay arrinta xuduudka xidhan, waxay balanqaadeen in dhakhso loo furayo xadka.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu si adag uga hadlay mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo uu ku tilmaamay fadeexad qaran, ka dib markii sifooyin aan habboonayn loogu dhalan-rogay arrimo siyaasadeed.

“Dibada markaan joogay arrinta aadka loo hadal hayaa waa arrinka biyaha Hargeysa oo noqotay faddeexad Qaran oo kale, arrintaa waxaan soo jeedinayaa in laga daayo qabyaalada. Umadda reer Somaliland oo dhan way u wada baahantahay biyo mashruucaasna waa laynu caawiyay ee halaga daayo qabyaalada,” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

Faysal Cali ayaa sidoo kale Hay’addaha Xeer-dejinta ugu baaqay inay sameeyaan xeer lagu xakameynayo qabyaalada iyo kala qaybinta Bulshada “Waxaan soo jeedinayaa in layska daayo qabyaalada Telefishanka lala soo fadhiisanayo oo Baarlamaankuna soo saaro sharci lagu madnuucayo in qabyaalada warbaahinta loo isticmaalo.”ayuu yidhi mar uu ka hadlayay khilaafka biyo gelinta Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, isagoo ka sii hadlaya Mawduucan, waxa uu Wasiirrada xukuumadda ku dhaliilay abaabulka Salaadiinta beelaha ee dhiirigelinaya qabyaalada, isagoo dhanka kalena iftiimiyay inaanay dawladda iyo shacbiga toona ka muuqan yihdidiilo ka turjumaya horumarinta dhismaha qaranka.

Waxaanu yidhi, “Waxa kale oo Wasiirrada abaabula Salaadiinta ee yidhaahda hadla, aan leenahay hala joojiyo arintaas foosha xun. waa in umadda la mideeyaa, hadii kale shacbiga waxaynu ka gelaynaa dambi wayn.

Maaha in umadda been loo sheego oo waxaan loo qabanayn lagu maaweeliyo, sababtoo ay tahay kama muuqato Masuuliyiinteena iyo shacbigaba himilo ah in qaran la dhiso,”ayuu ku sheegay gabagabadii Shirkiisa jaraa’id.