Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo xadhigga ka jaray dhisme cusub Oo Loo Hirgeliyey Maxkamadda Racfaanka Maroodi-jeex

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa Isniintii toddobaadkan xadhigga ka jaray dhisme cusub oo loo hirgeliyey Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex.

Munaasibad loo qabtay xadhig-ka-jarka Dhismaha Cusub ee Maxkamadda Racfaanta Gobolka Maroodijeex, waxa Guddoomiyaha ku wehelinayay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Cumar Maal, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax, Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Shuruucda, Garsoorka iyo Xuquuqul Insaanka ee Golaha Guurtida Xildhibaan Mustafe Maxamed Daahir, Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Insaanka Maxamed Baaruud, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Taliyaha Ciidanka Asluubta Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Cabdi Xasan Mire, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf, Xoghayaha fullinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Siciid Nuur, garyaqaanno, madax-dhaqameed iyo masuuliyiin kale.

Ugu horayn waxa madasha xadhiga lagaga jarayay dhismaha cusub ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex, ka warbixiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, waxaanu sheegay in mudadii ay jiray Jamhuuriyadda Somaliland, laga soo bilaabo 1991-kii ay Maxkamadda Rafcaanku dulsaar ku ahayd Maxkamadda Gobolka Marood-jeex, arrintaasi oo culays badan sababi jirtay, maadaama Gobolka Maroodijeex yahay Gobolka ugu bulshada badan dalka. Waxaanu is dul taagay in hirgalinta dhismahan oo ka kooban 13 xafiis iyo hoolkii dacwaduhu uu soo maray marxalado kala duwan kaasi oo ay dadaal kaga baxeen.

Advertisement

Geesta kale waxa madasha ka hadlay Garyaqaan Maxamed Jaamac, waxaanu tibaaxay duruufaha kala duwan ee Garsoorku soo maray iyo meeqaamka wanaagsan ee maanta uu marayo. Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Maal ayaa sheegay in kaaba-yaashu hal-bowle u yihiin socodsiinta shaqada maalinlaha ah ee Garsoorka, dhismahanina kamid yahay guulaha Garsoorku ku talaabsaday. Geesta kale Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka Maxamed Baaruud ayaa boggaadiyay Garsoorka marka ay noqoto fidinta dhanka adeegga, ee tisqaaday iyo kobcinta aqoonta hawl-wadeennada Garsoorka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta, taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xoghayaha fullinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa iska daba maray waxqabadka wanaagsan ee Garsoorka ka socda hadday noqoto dhismayaasha iyo horumarka kale ee baaxadda leh.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa dhankiisa xusay sida ay u qiiro-galiso marka uu xasuusto cidhiidhigii iyo duruufihii ku geddaanaa Maxkamadda Rafcaanka iyo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo hannaanka wanaagsan ee ay maanta hawshu u socoto.

Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed ayaa ka waramay doorka Maxkamadaha Guurguura waxaanu tibaaxay in ay la duruuf yihiin bulshada isla markaana goobaha ay ku suganyihiin ugu tagaan, arrintaasi oo uu ku sifeeyay horumarka wanaagsan ee dalku cagta saaray.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo si rasmi ah u furay dhismaha Maxkamadda Rafcaanka ayaa ugu horayn u mahadceliyay Madaxweynayaashii kala danbeeyay ee dalka oo qayb laxaadle ka qaatay helitaanka dhulka laga yagleelay Maxkamadda Rafcaanka iyo dhamaystirka dakhligii lagu dhisayba.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhismahani yahay mid taariikhi ah, kaasi oo noqonaya dhismihii u horeeyay ee ay yeelato Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex tan iyo 1991-kii.

Geesta kale Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay sida hufan ee Garsoorku bulshada ugu adeego waxaanu xusay in sannadkii 2022-kii Maxkamadaha dalka ay soo galeen 21,086 dacwadood, kuwaasi oo ay 17,680 dacwadood oo kamid ahi dhammaadeen, arrintaasi oo ka dhigan in 85% (Shan iyo sideetan boqolkiiba) ay dhamaadeen dacwadihii soo galay Maxkamadaha dalku.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in Guddoomiyayaasha Maxkamadaha dalku si weyn u qaabilaan cabashooyinka dadweynaha, waxaanu sheegay in ay jiraan maalmo u gaar ah cabashooyinka dadweynaha taasi oo loogu maareeyo tabashadooda. Waxaanu xusay in dhawaan Maxkamadaha dalka laga hirgaliyay nidaamka casriga ah ee GIS-ka, kaasi oo door wanaagsan kaga jira hubinta muranada ku saabsan dhulka ee soo gaadha Maxkamadaha.

Gunnaanadkii Guddoomiyaha ayaa tibaaxay hiigsiga dhow ee Garsoorka kuwaasi oo ay ka mid yihiin hirgalinta naadiga Garsoorka kaasi oo lagaga faa’iidaysan doono khuburada talax-gabka ah ee Garsoorka iyo casriyeynta nidaamka garsoorka “electronic system” kaasi oo waxbadan ka tari doona geedi socodka shaqada, hadday noqoto mudaymaha iyo shaqooyinka kale.

Ugu danbayn Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay dhammaan masuuliyiintii ka soo qayb gashay iyo hawl-wadeenadii munnaasibadda soo agaasimay iyo cid kasta oo door ku lahayd hirgalinta dhismaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex.

Follow us On