Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Tabobar U Xidhay Bahda Garsoorka iyo hay’adaha Wada-shaqayntu Ka Dhaxayso

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa Khamiistii shalay tabobar muddo dhowr maalmood ah socday u soo xidhay xubno ka tirsan Bahda Garsoorka iyo hay’adaha dowliga ah ee Wada-shaqayntu ka dhaxayso.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali Oo ay wehelinayaan Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Cali Suudi Diiriye, La taliyaha dhanka Shareecada Maxkamadda Sare SH. Dr Ciise Maxamuud Cabdilaahi, Lataliyaha dhanka farsamada Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Isu-duwaha Maxkamadaha Guur-guura, Sharmaarke Yuusuf Faarax iyo saraakiisha waaxda tababarada Maxkamadda Sare, waxa uu gelinkii dambe ee shalay tabobar u soo xidhay 50 xubnood iskugu jiray Garsoorayaasha heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex, Xeer-ilaaliyayaal, Qareenno, saraakiil ka socday Guddida Dacwadaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska gaar ahaan laanta nabad-galyada wadooyinka (Taraafikada).

Taliyaha Qaybta Bariga Caasimada Hargeysa ee Ciidanka Nabad-galyada Wadooyinka Xasan Sh. Axmed, oo ku hadlayay afka kasoo qayb-galayaasha ayaa ugu horayn sheegay in tababarku ahaa mid muhiim ah isla markaana uu yaryahay in la helo noociisa oo kale.

Dhanka kale La taliyaha dhanka Shareecadda Maxkamadda Sare Sh. Dr Ciise Maxamuud oo kamid ahaa khuburadii bixinaysay tababarka, ayaa hoosta ka xarriiqay in Garsoorku maanta marayo meel aad u wanaagsan isla markaana ay bulshadu rajo-weyn ka qabto shaqada iyo hawsha qiimaha leh ee ay u hayaan. Dr-ka ayaa is-dul-taagay aqoon-korodhsiga joogtada ah ee Garsoorku helay in ay laf-dhabar u tahay waxqabadka iyo fir-fircoonida ka muuqata guud ahaan Bahda Garsoorka.

Waxa kale oo madasha ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diirye, oo xusay in tababarkani uu hal-bowle u yahay aqoon-is-waydaarsi sal-balaadhan, kaasi oo ay kasoo qayb-galayaashu fursad u heleen, maadooyinkii wakhtiga dheer lagu qaadan jiray oo loo soo koobay, isla markaana ay bixinayaan khuburo ay kamid yihiin Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliyihii Guud iyo culimo aqoon-durugsan u leh cilmigii shareecada Islaamka. Geesta kale Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa ka soo qayb-galayaasha ku booriyay in ay mar walba isbarbar wadaan aqoon-korodhsiga iyo waayo-aragnimada ay ka dhaxlayaan goobaha shaqada.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa tibaaxay in markasta oo aqoon-is-waydaarsi yimaado ay shaqadu sii horumayso isla markaana ay sare u qaadayso hufnaanta iyo degdesiimaha shaqada. Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa xusay Garsoorku yahay muraayadii bulshada, kaasi oo cidkasta oo waddanka maal-gashanaysaa ay ku xisaabtamayso, waxaanu sheegay in muddooyinkii u danbeeyay Bahda Garsoorku ku talaabsatay horumar baaxad leh.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababarka soo xidhay, ayaa sheegay in sare u qaadida cilmugu uu kamid yahay, halbeegyada ugu muhiimsan ee ay ku taamayaan. Taasi oo kamid ah tiirarka laf-dhabarta u ah dib-u-habaynta Garsoorka, waxaanu Guddoomiyuhu xusay in Maxkamadda Sare heshiis waxbarasho la gashay 9 Jaamacadood oo dalka oo dhan ah si looga midho-dhaliyo aqoonta Bahda Garsoorka. Guddoomiyaha ayaa xubnaha ku dhiirigaliyay in markasta oo ay firaaqo helaan ay ku buuxiyaan wakhtigooda daraasaynta iyo barashada cilmiga isla markaana ku dabaqaan shaqada maalinlaha ah ee ay hayaan. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa geesta kale xusay in Bahda Garsoorku tahay hal-tiir oo shaqo kali ah wada haya, taasi oo ah in cadaaladda la gaadho, haddii ay tahay, Qareenka cid difaacaya, Xeer-ilaaliyaha dacwad oogaya iyo Garsooraha dacwadda go’aanka ka gaadhayaba.

Gunnaanadkii Guddoomiyaha ayaa uga mahad-naqay khuburadii darsiyada qiimaha badan bixinaysay iyo xubnihii sida milgaha leh uga faa’iidaystay muddadii lixda cisho ahayd ee tababarku socday, waxaanu xusay in tababaro kale oo kan ku lammaana dhawaan gobolada laga fulin doono iyadoo loo qabanayo qaybaha kala duwan ee Bahda Garsoorka iyo Cadaaladda.

Wa bilaahi tawfiiq
Ibraahin Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare