Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tabobar u soo xidhay Xubno ka mid ah Garsooreyaasha dalka

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed oo uu wehelinayay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, ayaa Gelinkii dambe ee Khamiista maanta tababar u soo xidhay 37 Garsoore oo ka kala socday Maxkamadaha heerarka kala duwan ee Gobolka Maroodi-jeex, Gabilay iyo Hawd.

Tabobarka oo 26-kii February la furmay magaalada Hargeysa, ayaa ku qotomay ku qotomay nidaamka dacwadaha loo raaco, anshaxa suuban ee laga rabo qofka garsooraha iyo hab-raacyada muhiimka ah ee waajibka ay tahay in ay dhugmo yeeshaan garsoorayaashu.

Sida lagu sheegay war-qoraal ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare ee JSL, Garsoorayaasha ka qayb galay tababarka ayay u ahayd fursad ay ku soo bandhigaan arrimaha ay tabayaan, waxaanay is waydaarsadeen dhexdoodu aqoon iyo waaya-aragnimo sal-balaadhan, halka ay si mug leh uga faa’iidaysteen khubaradii bixinaysay tababarka, oo soo diyaariyay duruus kala duwan oo hal-bawle u ah hawlaha garsoorka.

Advertisement

Warku waxa uu intaas ku daray in tabobarka Si gaar ah diiradda loogu saaray Axkaamta Islaamka ee ku taxaluqda garsoorka iyo Xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta, waxaanay xeel-dheerayaashu la waddaageen garsoorayaasha arrimo badan oo laf-dhabar u ah geedi-socodka dacwadaha iyo hufnaanta shaqo ee garsooraha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye oo ka mid ahaa barayaasha hagayay tababarka, ayaa la dardaarmay garsoorayaasha tababarka ka soo qayb galay waxaanu u rajeeyay in ay shaqadooda ku dabaqi doonaan duruusta ay korodhsadeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed oo hadal ka jeediyey gunaanadkii tabobarka, ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay aqoon korodhsiga iyo in qofka garsooraha ahi wakhtigiisa firaaqada ah uga faa’iidaysto korodhsiga cilmiga, isagoo markiisa horaba ay aqoontiisu dhisan tahay, haddana aanu ka daalin in uu maalin walba bog cusub furto si uu martaba sare u gaadho bulshadana ugu anfaco. Waxaanu ku booriyay in ay u sii gudbiyaan xubnaha aan fursada u helin tababarka.

Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ballan-qaaday in ay sii wadayaan tababarada iyo aqoon-is-waydaarsiga si garsoorayaasha dhexdoodu u kala faa’iidaystaan una kala korodhsadaan waayo-aragnimada iyo khibrada ay is dheeryihiin, waxaanu ballan-qaadkiisa ku sheegay in ay sare u qaadi doonaan tababarada laga fulinayo gobolada iyo degmooyinka dalka kuwaasi oo diirada lagu saarayo mawduucyada haddba muhiimka loo arko, gaba-gabadii waxa uu guddoomiyuhu guddoonsiiyay shahaadooyin xubnihii garsoorayaasha ahaa ee muddada lixda cisho ahayd tababarku u socday, waxaanu u rajeeyay in ay sii libin-laabi doonaan dedaalkii ay horaba bulshada ugu hayeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net

Advertisement