Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tabobar u furay Garsooreyaasha Maxkamadaha Dalka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta magaalada Hargeysa tabobar muddo lix maalmood ah soconaya u furay qaar ka mida h garsooreyaasha maxkamadaha dalka.

Guddoomiyaha waxa wehelinayey Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Sare isla markaana ka mid ah khuburada tababarka bixinayay iyo Madaxa Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin.

Garsooreyaasha tabobarka loo furay oo tiradoodu tahay 37 garsoore oo ka tirsan Maxkamadaha heerarka kala duwan ee gobolka Maroodi-jeex, Gobollada Hawd iyo Gabilay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray madaxa warbaahinta ee Maxkamadda Sare ee Somaliland Ibraahim Maxamed Cali, Tababarka oo socon doona muddo lix cisho ah, ayaa lagu qaadanayaa duruus ku saabsan habka qaadista dacwadaha iyo anshaxa wanaagsan ee garsoorka, iyadoo lagu lafa-guri doono arrimaha gun-dhigga u ah garsoorka sida Shareecadda Islaamka, xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta iyo xeerka anshaxa Garsoorka, waxaana muddada uu tababarku socdo garsoorayaasha ka soo qayb galay ay isku waydaarsan doonaan waayo-aragnimadooda iyagoo geesta kalana ka faa’iidaysan doona khubarada tababarka bixinaysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa xusay in ay muhiim tahay in qofku ku baraarug-sanaado in ay wax ka dhiman yihiin oo ay lama-huraan-tahay in uu korodhsado cilmiga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali oo tababarka furay ayaa sheegay in tababarkani daba-socdo tababarro ay Maxkamadda Sare hoggaaminaysay oo qayb ka ah dadajinta dacwadaha iyo tayaynta hawl-wadeenada garsoorka, waxaanu guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay in ujeedada tababarku tahay sidii aragti cusub iyo fikir cusub uga dhalan lahaa ra’yi-is-waydaarsiga ku jira tababarada.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali waxa uu garsoorayaasha kula dardaarmay in aanay ka daalin in ay kordhistaan aqoontooda, isagoo u hoga-tusaaleeyay garsoorayaasha in ujeedada laga leeyahay tababaradu ay tahay sidii loo horumarin lahaa loona sii wanaajin lahaa shaqada garsoorka, waxaanu gunnaanadkii u soo jeediyay garsoorayaashii soo xaadiray tababarka in ay kala faa’iidaystaan muddadaa uu tababarku u socdo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net