Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tabobar u furay 30 Garsoore oo ka hawl-gala Maxkamadaha Gobolka Maroodijeex.

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta magaalada Hargeysa tabobar uga furay garsooreyaal ka hawl-gala Maxkamadaha gobolka Maroodijeex iyo Degmada Hargeysa.

Tabobarka oo muddo laba maalmood ah socon doona ayaa qayb ka ah tabobarro taxane ah oo kor loogu qaadayo tayada garsoorka dalka iyo Aqoonta garsooreyaasha ee ku aaddan shareecada Islaamka, waxa guddoomiyaha ku wehelinayey furitaankiisa Lataliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur iyo Madaxa Tababaradda Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim, waxaana duruusta lagu bixinayo ka ka qayb-qaadanaya 30 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodijeex iyo Maxkamadda Degmada Hargeysa.

Tababarkan oo ay bixinayeen Sheekh Maxamed Cali Gadhle iyo Dr Xuseen Xasan Cali ayaa diirada lagu saarayay Qoomaha iyo Axkaamta Islaamku u jideysay, noocyada xukunka iyo asbaabaha loo buriyo. Ugu horayn waxa aqoon-is-waydaarsiga ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Gadhle waxaanu is-dul-taagay ahmiyada uu mawduucani Garsoorka u leeyahay, waxaanu rajeeyay in muddada uu socdo tababarku la kala faa’iidaysan doono aqoon iyo waayo-aragnimo sal-balaadhan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali oo furitaanka tabobarka ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin joogtaynta aqoon-is-waydaarsiyada noocan oo kale ah, waxaanu ku macneeyay in cilmigu ku fiican yahay falan-qaynta iyo kala faa’iidaysiga, waxaanu ku dhiiri-galiyay xubnihii kasoo qayb-galay in ay ka faa’iidaystaan xeel-dheerayaasha, masalooyinka ay isleeyihiin waxay u baahan tahay lafa-gur iyo faham dheeraad ah. Sidoo kale Guddoomiye Aadam waxa uu sheegay in tababarkani qayb ka yahay tababaro xidhiidh ah oo dhawrkii sanno ee u danbeeyay lagu xoojinayay Garsoorka, waxaanu yidhi, “Inkasta oo ay muddooyinkii u danbeeyay Garsoorka ku soo biirayeen Garsoorayaal cilmiga Diinta aqoon fiican u leh, haddana waxaanu u aragnay in ay lama huraan tahay in tababarada Shareecadeena Islaamka ku saabsan la kordhiyo”Geesta kale Guddoomiyaha waxa uu tibaaxay xog ururin hore ay Maxkamadda Sare u samaysay in ay ku ogaadeen in tababarada caynkan oo kale ah loo baahan yahay, taasina ay qayb weyn ka qaadatay in ahmiyad gaar ah la siiyo.

Aqoon-is-waydaarsigan oo socon doona laba cisho ayaa xeel-dheerayaasha duruusta bixinayay iyo Garsoorayaashii soo xaadiray isku is-waydaarsadeen mawduucyo laf-dhabar u ah u dhaba-galka iyo xaqiijinta xadiga qoonta ama nabarka iyo nidaamka loo raacayo, siyaabaha xukunku uga abuurmayo. Waxaanay dhinacyadu si qoto dheer u lafa-gureen masalooyin muhiim u ah Garsooraha, taasi oo si koox-koox ah iyo kali-kali ahba loo faaqiday.