Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tabobar Aqoontooda Lagu Kobcinayo U Furay 50 Xubnood Oo Garsoorka ka tirsan

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa tabobar muddo lix maalmod socon doona oo lagu baran-doona u furay 50 xubnood oo ka tirsan bahda Garsoorka Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, lataliyayaasha dhanka shareecada Sh, Dr. Ciise Maxamuud Cabdilaahi, Sheekh Maxamed Cali Gadhle, Dayib Muxumed Nuur latliyaha dhanka farsamada, Sharmaake Yuusuf Faarax Isu-duwaha Maxkamadaha Guur-guura iyo saraakiisaha waaxda Tababarka Maxkamadda Sare, waxa uu tabobarka u furay 50 xubnood oo iskugu jiray Garsoorayaal ka kala socday heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex, Xeer-ilaaliyaal, Qareeno iyo xubno ka socday Guddida Dacwadaha ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Tababarkan oo qayb ka ah kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada bahda Garsoorka, ayaa diirada lagu saari doonaa mudadda uu socdo, Hababka Dacwad qaadista, Beeca, Rahanka, Damaanadaha iyo Shuruudahooda, akhlaaqiyaadka iyo hoggaaminta wanaagsan ee Garsoorka.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda ee Maxkamadda Sare Ibraahim Maxamed Cali, ayaa lagu faahfaahiyey muhiimadda uu leeyahay tabobarkan iyo arrimaha lagaga hadli ddono muddada lixda maalmod ah ee uu socdo, waxaana war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Waxa xusid mudan in tababarkani uu ku xidhiidhsan yahay tababaro la xidhiidhay Shareecada Islaamka kuwaasi oo laga fuliyay caasimada iyo gobalada dalkaba.

Ugu horayn waxa madasha tababarka kalmad kooban ka jeediyay Dr Ciise Maxamuud Cabdilaahi, waxaanu xusay in cadaaladdu ay aas-aas u tahay horumarka bulshada qaybeheeda kala duwan. Dr-ka oo kamid ah khuburada tababarka bixinaysa ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada iyo qiimaha ay leedahay in dadka lagu kala saaro cadaaladda. Waxaanu tibaaxay in qof kastaa ka dhaxlo cadaaladda xasilooni. Geesta kale waxa madasha tababarka ka hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, waxaanu is-dul taagay qiimaha tababarka iyo aqoon-is-waydaarsiga, waxaanu hoosta ka xarriiqay in aqoon-is-waydaarsigu yahay is-xasuusin, taasi oo fahan u baahan. Xeer-ilaaliye Guud mudane Cabdiraxmaan Hayaan, ayaa sharaxaad ka bixiyay qodobo laf-dhabar u ah shaqada maalinlaha ah ee Garsoorka sida hababka loo raaco dacwadaha, kuwaasi oo ku jira tababarka.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xusay in tababarkani kamid yahay kuwa hal-bowlaha u ah hawl-maal-meedka Garsoorka, kaasi oo ay Maxkamadda Sare taaba-galisay qabsoomidiisa, waxaanu xusay in khuburada jeedinaya tababarku ay yihiin muwaadiniin waayo-arag ah oo u dhuun daloola ahmiyada iyo doorka Garsoorka, waxaanu sheegay in xeel-dheerayaasha wadaniga ahi ay ka mudan yihiin kuwa shisheeyaha ah oo uu xusay in aanay xog-ogaal u ahayn arrimaha muhiimka innoo ah.
Guddoomiyaha ayaa tibaaxay darsiyada uu xambaarsan yahay tababarku, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwii safarka dheer loo gali jiray waayihii hore, waxaanu xusay in wakhti xaadirkan cilmigu meel kasta ceegaagsan yahay isla markaana aanu cudur daar u noqonayn in qofku jahli kaga sugnaado.

Guddoomiye Aadan ayaa sheegay in shaqada Garsoorku tahay shaqada ugu sharafta badan isla jeerkaana tahay shaqada ugu miisaanka culus ee loo baahan yahay in Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyayaashu yeeshaan fiiro dheer, hubsiimo, dedaal iyo aqoon-korodhsi joogto ah. Gunnaanadkii Guddoomiyuhu waxa uu Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee Garsoorka ku bogaadiyay shaqada milgaha leh ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay markasta u gutaan waajibaadka dumaddooda sudhan.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net