Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo shaaciyey Jadwalka Ansixinta Natiijada Rasmiga ah ee Doorashada Deegaanka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta shaaciyay jadwalka ansixinta natiijooyinka Rasmiga ah ee doorashada golayaasha deegaanka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu soo saaray jadwalka ay ku ansixinayaan natiijada rasmiga ah ee 20 degmo doorasho oo ay soo gudbiyeen maxkamadaha gobolada iyo kuwa degmooyinka dalka.

Waxa uu guddoomiyuhu tibaaxay in Wasiirka Arrimaha gudahana ay la socodsiiyeen in iyaguna ay soo saaraan jadwalkii kal-fadhiga koowaad ee golayaasha deegaanka dalka.

Advertisement

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On