Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo qaabilay Safiir ku xigeenka dalka Denmark

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku xigeenka dalka Denmark oo uu wehelinayay madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiir ku xigeenka dalka Denmark Amb Gertrud Birk, oo uu wehelinayay madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland Mathias Kjaer.

Kulanka ayaa ujeedadiisu daarnayd is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal, gaar ahaan dhinaca garsoorka iyo sidii loo sii xoojin lahaa.