Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan la qaatay 31 Ardaydii Barnaamijka Shaqo-qaran oo Maxkamadaha dalka ka hawl-galaya

 

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xarunta maxkamadda sare ku qaabilay dhallinyaradii soo dhamaysatay barnaamijka shaqo qaran, qaybtii dooratay in ay ka hawl-galaan maxkamadaha dalka.

Advertisement

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali oo ay wehelinayeen guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadam Haybe, Agaasimaha guud ee shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cisman (Mu’adinka) iyo masuuliyiin ka tirsan maxkamadda sare ayaa soo dhaweeyay dhallinyaradii soo dhamaysatay, barnaamijka shaqo qaran.

Dhalliyaradaasi oo ay tiradoodu dhamayd 31 qof oo ka kala yimid lixda gobol ee waaweyn, ayaa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/02/2021 si rasmi ah uga hawl-gali doona maxkamadaha kala duwan ee dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horayn waxa madasha ka hadlay agaasimaha guud ee barnaamijka shaqo qaran, Maxamed Xuseen Cismaan, waxaanu xusay in dhallinyaradu aanay seegin ballan-qaadkii xukuumadda, ee ahaa in la hawl-galiyo, waxaanu da’yarta u soo jeediyay in ay ka soo baxaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, geesta kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe ayaa soo dhaweeyay dhallinyarada dooratay in ay ka mid noqdaan hawl-wadeenada garsoorka, waxaanu ku booriyay in ay kaalin muuqata ka qaataan shaqada hay’adda garsoorka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dhallinyaradii shaqo-qaran ayaa dareenkooda cabiray, waxaanay xuseen in ay ku faraxsan yihiin in ay maanta shaqada si toos ah u bilaabayaan.

Gabagabadii guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dhallinyarada soo dhamaysatay barnaamijka shaqo-qaran ee ka hawl-galaya maxkamadaha dalka,waxaanu bogaadiyay masuuliyiintii hir-galisay barnaamijkan oo uu ugu horeeyo madaxeynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale waxa uu dhallinyarada u hoga-tusaaleeyay in ay tahay wax fiican in qofku kartidiisa iyo aqoontiisa wax ku helo.

“Mustaqbalka waxaan soo jeedinayaa in dadka danbe ee la qaadanayo loo sameeyo sanduuq, loogu abuuro shaqo. Dabadeedna dadka bartay dhaqaalaha, caafimaadka, tiknoolajiyada iyo ganacsiga ay iyagu shaqo u sii abuuraan, si ay iyagu wax usoo kordhiyaan oo muwaadiniinta kale ee Somaliland shaqo ugu abuuraan, oo layidhaa barnaamijka shaqo qaran, shaqo uun may raadsane iyagii baa shaqo abuuray,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL.

Follow us On