Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo kulan afur iyo casho ah la qaatay bahda Garsoorka dalka

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xalay kulan afur iyo casho ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bahda Garsoorka Dalka.

Kulanka oo uu Guddoomiyuhu soo qaban-qaabiyey, waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Cumar Maal, Qaar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Guddida Cadaaladda, Guddoomiyayaasha Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Degmada Hargeysa, qaar kamid ah Ku xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud, masuuliyiinta Ururka Garyaqaanada ee SOLLA, Agaasimaha Wasaaradda Cadaaladda, garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareenadda ka hawl gala Gobolka Maroodi-jeex.

Nuxurka kulanka ayaa ku qotomay is xog waraysi guud oo la xidhiidha hawlaha ay bahda Garsoorku Qaranka u hayaan iyo xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee Garsoorka.

Advertisement

Kulanka waxa sidoo kale qayb ka ahaa is cafin iyo inay is-laab xaadhaan bahda Garsoorka Dalku maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan taasi oo khayr badan iyo wanaagba uu ku duugan yahay.

Advertisement