Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Dhaariyey Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka iyo Dar-daaran Madaxweyne Siilaanyo u jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Dr Yuusuf Cali, ayaa maanta Madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Todobada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Cusub oo todobaadkii hore ay ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland.

DSC_0048Kulan maanta ku qabsoomay qasriga madaxtooyada oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka mid ah golihiisa Wasiirrada, ayaa lagu dhaariyey todoba xubnood ee guddiga doorashooyinka oo magacyadoodu kala yihiin Maxamed Jaamac Maxamed, Siciid Cali Muuse, Maxamuud Xasan Cali, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Cabdifataax Ibraahim Xasan, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa mid-mid u dhaariyey xubnaha Guddiga Cusub ee Doorashooyinka, kuwaas oo dhammaantood gacan loo saaray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, kuna dhaartay inay si daacadnimo, caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ah ay u gudanayaan Waajibaadka ay Qaranka ugu xil-saaran yihiin.

DSC_0082Markii ay dhaarinta Guddigu dhammaatay, waxa kulanka ka hadlay Madaxweynaha Somaliland ugu duceeyey in Eebbe u fududeeyo masuuliyadda ay xilkeeda qaadeen, waxaanu u soo jeediyey inay kalsooni ka haystaan shacabka iyo Qarankaba, sidaas awgeedna uu rejaynayo in xil-gudashadoodu horumar iyo caddaalad u horseeddo dalka.

“Farxad weynbay maanta ii tahay inaanu halkan ku kulanno komishanka doorashooyinka oo maanta hortayda lagu dhaariyey, Illaahay waxaan ka baryeyayaa hawshiinnu inay noqoto mid lagu wada badhaadho oo dalka iyo dadkaba u horseedda horumar iyo caddaalad. Dal dimuqraaddi ah baynu nahay, dimuqraadiyad baynu qaadannay, doorashooyin iyo hawlo fara-badan baynu galaynaa, markaa ahmiyadda ay guddigaasi leedahay waa mid aad iyo aad u weyn, waa mid aad umadda iyo qarankaba kalsooni uga baahan tihiin, kalsoonidiina waad haysataan, Illaahay ha idinla qabto oo uu innagu guuleeyo dhammaanteen,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Xubnaha Guddiga Cusub ee Doorashooyinka maanta loo dhaariyey xil-gudashadooda, ayaa noqonaya Guddiga Afraad ee loo magacaabo Komishanka Doorashooyinka tan iyo wakhtigii ay Somaliland qaadatay nidaamka Xisbiyada badan sannadkii 2003-dkii, waxaanu muddo-xileedkooda shan sanno ah ka bilaabmay maanta oo xilka loo dhaariyey, iyaga oo xilka kala wareegi doona guddigii hore doorashooyinka oo muddo-xileedkoodu ku ekaa 29-kii bishii October ee sannadkan.

DAAWO SAWIRRADA

SOMALILANDPOST.NET