Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Dhaariyey Xildhibaan Cusub oo Ku biiray Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyay Mudane Yuusuf Faarax Warsame Ducaale oo ka mid noqonaysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland.

Xildhibaanka Cusub ee loo dhaariyey Golaha Wakiillada oo ah xildhibaankii ugu soo xigay tirada codadka ee xisbiga Waddani uga soo baxay gobolka Sool, ayaa buuxinaya jagada uu banneeyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo xilkaas iska casilay bishii hore.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare, ayaa lagu yidhi sidan:- “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu xafiiskiisa ku dhaariyey maanta xildhibaankan Mudane Yuusuf Faarax Warsame Ducaale, kadib markii Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen 01/07/2023-ka, codsi ay ku dalbanayaan in loo dhaariyo jagada ka banaanaatay Golaha Wakiillada JSL, iyagoo tixraacayay warqada sumadeedu tahay GW/G/38/1009/2023, kuna taariikhaysan 24/06/2023-ka taasi oo Golaha Wakiilladu kaga codsaday Guddida Doorashooyinka Qaranka in la soo buuxiyo jagada uu banneeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo is casilay.

Isla markaana tixraacaya warqada sumadeedu tahay GW/G/18/106/2023, kuna taariikhaysan 19/06/2023 ujeedadeeduna tahay aqbalaad is-casilaad taasi oo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu ay is-casilaadda kaga aqbashay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed xilkii Guddoomiyenimo iyo xubinimadii Golaha Wakiillada ee uu iska casilay.

Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu kula dardaarmay xildhibaanka in uu Qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka madaxtooyada Somaliland ka soo baxay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net