Guddoomiyaha Maxkamadda Sare kulan Afur iyo Casho ah la qaatay bahda Garsoorka dalka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ahna guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa caawa kulan Afur iyo Casho isugu jira u sameeyey Qaybaha kala duwan ee Bahda Garsoorka Dalka.

Sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo waaxda xidhiidhka dadweynaha ee Maxkamadda Sare ka soo saartay ujeeddada kulanka, waxa kulanka Afurka ah ee Guddoomiyaha ka qayb-galay garsooreyaasha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan guddida cadaaladda, guddoomiyayaasha Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda degmada Hargeysa, Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Maroodi-jeex.

Warku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay kulanka goob-joog ka ahaayeen guddoomiyaha Ururka qareennada Somaliland ee SOLLA, guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo qaar kamid ah hal-doorka bulshada ayaa caawa kulan afur iyo casho ah la qaatay badi garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareenadda ka hawl gala Gobolka Maroodi-jeex.

Ujeedada kulanka ayaa lagu sheegay inay ahayd is xog waraysi guud oo la xidhiidha hawlaha ay bahda Garsoorku qaranka u hayaan iyo xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee garsoorka, waxa sidoo kale qayb ka ahayd is cafinta iyo isku lab-xaadhnaanta maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan taasi oo khayr badan iyo wanaagba uu ku duugan yahay.