Guddoomiyaha Kulmiye oo Sheegay in Qabsoomida Shirka Golaha Dhexe aannay Wax Caqabad ahi Haysan

 

Hargeysa(SLpost) – Guddoomiyaha Kulmiye, ahna musharaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in shirka golaha dhexe ee Kulmiye si habsami ah u qabsoomayo Salaasada saadambe. Waxa uu sheegay inaanay jirin wax caqabad ah oo wakhtigan jira.

 

Wuxuu shacbiga Somaliland ugu bushaareeyay in shirku intii badnayd si habsami ah u soo socotay qabanqaabadiisu, haddana uu nabad ugu qabsoomi doono, isagoo aan soo hadal qaadin musharaxiinta iyo taageerayaashooda diidan qabsoomida shirkaasi.

 

Wuxuu sidoo kale asxaabta Mucaaradka ah u sheegay inaanay jirin cid ay quudareeyaan oo uga soo socota Kulmiye, maadaama ay filayeen in taagerayaal ka soo cadhooday Kulmiye u soo aag bedeshaan asxaabta Mucaaradka ah, isagoo carrabaabay xisbiga Kulmiye ee Kulmiye iyo xukumaddiisu la xafiiltamaan.