Guddoomiyaha Kulmiye Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Cabdilaahi Diiriye Sooraan Oo Hargeysa Ku Dhintay

Hargeysa, (SLpost)- Gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timi Alle ha unaxariistee marxuum Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo xalay ku geeriyooday Hargeysa.

Qoraal kooban oo uu soo saaray guddoomiyuhu ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa c/laahi diiriye sooraan qoyskii reer diiriye sooraan,Qaraabadii, eheladii, asxaabtii, bahwaynta fanka iyo qarankan Somaliland ee uu ka baxay Marxuum: CABDILAAHI DIIRIYE SOOARAAN oo ku geeriyooday xalay magaalada Hargeysa .

Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo Eheladii ,asxaabtii iyo qaraabadiiba Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin”

Md. Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha Xisbiga

Kulmiye