Guddoomiyaha KULMIYE oo Kulan la Yeeshay Wefti ka socda Golaha Deegaanka Tower Hamlets ee Aqoonsaday Somaliland

????????????????????????????????????

Hargeysa (Slpost)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ka socda dadkii ka shaqeeyey aqoonsigii Golaha Deegaanka ee Tower Hamlets oo ku yaal bariga magaalada London uu siiyey madaxbannaanida Somaliland.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha KULMIYE maanta, kaas oo ay wehelinayeen masuuliyiin iyo xildhibaanno ka tirsan xisbiga KULMIYE, halka dhanka weftiga oo ka koobnaa afar xubnood ay hoggaaminaysay xildhibaannada reer Somaliland ee Golaha Deegaanka Tower Hamlets Marwo Aamina Cali, waxa ujeeddadiisu ahayd is-xogwaryasi ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ictiraaf-raadinta ee kooxdani wado iyo waxyaabaha ay ku arkeen Somaliland oo muddo ay joogeen socdaallo ku mareen gobollada.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaadhaafi) oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa ka warramay nuxurka kulankaasi daarranaa iyo qodobada lagaga wadahadlay.

“Weftigu waxay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE uga warramayeen waxyaabihii ay qabteen, waxa kaloo ay ka warramayeen waxyaabihii intii ay dalka joogeen la kulmeen iyo wixii talo bixin ay hayeen. Sidoo kale, waxa laga wadahadlay wixii dambe ee laga ballamayo waxqabashadooda iyo sidii looga wada hawlgali lahaa,” ayuu yidhi Md. Xasan Gaafaadhi.