Guddoomiyaha Kulmiye oo Ka hadlay Rabshadihii ka Dhashay Natiijada Degmada Hargeysa iyo Guusha Xisbigoodu ka Gaadhay Doorashada

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay  xafiiskiisa waxa uu ku bogaadiyey shacabka Somaliland sidii ay uga qayb qaateen doorashadii golayaasha deegaanka, isla markaana waxa uu tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay shaqaaqadii habeenimadii Jimcaha ka dhacday degmada Axmed Dhagax ee caasimadda hargaysa.

Md Muuse Biixi waxa uu soo jeediyey in waxii aan la isla fahmin la isaga yimaaddo laguna xaliyo qaab nabadgelyo iyo garnaqsi dhamaystiran.

Guddoomiyaha Kulmiye

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ka hadlayey dhinacyadii kala duwanaa ee ka qayb qaatay qabsoomidda doorashooyinka ayaa uga mahadnaqay kaalintii uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka qaatay hirgelinta doorashada iyo sidii xukuumadda oo kaashanaysa Shacbigeeda ay u sugtay amniga xiligii doorashadu dhacaysay.

Md Muuse Biixi waxa kale oo uu isla shir jaraa’idkiisan ku ammaanay gudiga Doorashooyinka qaranka, ururadaii ka qayb galay doorashada iyo musharixiintii tartamayey isagoo uga mahadnaqay ururada caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah kaalintii ay ka ciyaareen geeddi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Isagoo ka hadlayey kaalintii uu xisbiga Kulmiye ka helay codadkii dadweynaha ayaa gudoomiyuhu waxuu sheegay in mar kale shacbiga Somaliland muujiyeen kalsoonida ay u hayaan xisbiga Kulmiye taasina ay markhaati ka tahay waxqabadkii labadii sano ee xisbigu talada hayey, fursad wanaagsana u tahay dhamaystirka qorshayaasha xisbiga iyo fulinta balanqaadada weli hadhsan.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net