Guddoomiyaha Komishanka oo ka warbixiyey Natiijada socdaal ay kaga soo laabteen dalalka Itoobiya iyo Kenya

komishan (2)HARGEYSA (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada socdaalkii u horeeyey ee uu dalka dibaddiisa ugu baxay intii ka dambaysaya magacaabistii xubnaha Guddiga cusub, kaas oo uu kaga soo laabtay waddamada Kenya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha iyo Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo maanta ka soo laabtay safar ay maalmihii u dambeeyey ugu maqnaayeen waddamada Kenya iyo Itoobiya, waxa uu sheegay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhay tobabar dhinaca hawlaha doorashooyinka oo ay soo qaadanayeen iyo kulamo ay la qaateen Wakiillo ka tirsan Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka ee taageera doorashooyinka Somaliland.

“Waxaanu baxnay maalintii Salaasada (Todobaadkii hore), waxaanu tabobar ku soo qaadannay Kenya, si wanaagsan ayaa uu noogu soo dhamaaday, qolooyinkii deeq bixiyeyaashana waanu is aragnay waanan isa soo af-garanay sidaasna waanu ku soo noqonay,”ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo la weydiiyey inay jirto kalsooni-darro Axsaabtu mucaaradku ka qabaan Guddiga Doorashooyinka, ayaa gebi ahaan ka gaabsaday inuu arrintaas ka hadlay, isaga oo sheegay inaanu wakhtigan diyaar u ahayn ka-hadalka arrintan.

“Arrinta hadda ka hadli maayo, waayo markii nala magacaabayba waanu baxnay. Hadda marka aanu soo noqonayna xafiiskayagii ayaanu dib ugu noqonaynaa markaas ayaanu arrimo badan ka hadli doona,”ayuu yidhi Cabdiqaadi Iimaan Warsame.

Somalilandpost.net