Guddoomiyaha Guurtida oo Culaysyada Mucaaradku ku hayaan Xukuumadda ku tilmaamay Qalalaase dalka laga abuurayo

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay dhawaaqyo maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhayey xisbiyada mucaaradka oo ku baaqay in xukuumad ku-meel-gaadh ah la dhiso haddii doorashooyinku wakhtigooda dib uga dhacaan, waxaanu hadalkooda ku tilmaamay mid aan munaasib ku ahayn wakhtigan maadaama aan la joogin wakhti doorasho.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay inaanay gole guurti ahaan soo gaadhin wax muddo-kordhin ah oo xukuumadda loo samaynayo, haseyeeshee waxa uu iftiimiyey in talo-qaran iyo wada-tashi loo dhan yahay laga yeelan doono wixii la yeelayo haddii doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi weydo.

Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu dhawaaqyada mucaaradka ku sheegay inay ka soo horjeedaan shuruucda dalka isla markaana ay ku hadlayaan hadallo aan munaasibad ku ahayn wakhtigan.

HALKAN KA DAAWO