Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Xaalad Laba Daran mid dooro ah ku jira!

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland ayaa Golaha Wakiillada dib ugu soo celiyey Xeerka furista ururrada siyaasadda oo ay ansixiyeen Golihii hore isla markaana ka gudbay Golaha Guurtida, si ay wax-ka-beddel iyo kaabis ugu sameeyaan.

Xeerkan oo xilligan horyaalla Golaha Wakiillada, ayaan gebi ahaanba ku jirin Ajandaha Kalfadhiga Labaad ee Wakiillada oo toddobaadkan furmay, waxaana soo baxaya tuhunno ah in shir-guddoonka golaha Wakiillada oo ka soo jeeda xisbiyada Mucaaradku ay ka caga-jiidayaan inay guda-galaan ka doodista iyo meel-marinta Xeerkan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif

Haseyeeshee, Shir-guddoonka Golaha ayaa toddobaadkan sheegay inay xeerka u gudbiyeen garyaqaannada Golaha si ay talo-bixin sharci uga soo gudbiyaan inta lagu gudo-jira kalfadhigan oo socon doona muddo saddex bilood ah.

Ilo-wareedyo ka ag-dhow shir-guddoonka Golaha Wakiillada, gaar ahaan guddoomiyaha Golahaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa tibaaxaya in guddoomiyuhu ka cago-jiidayo inuu golaha horkeeno xeerka furista siyaasadda sababo la xidhiidha cadaadisyo uga imanaya xisbiyada mucaaradka ah oo aan xilligan diyaar u ahayn furista ururrada iyo inay mar kale u soo tartamaan derajada xisbinimo.

Dhinaca kale, warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya inay jiraan waraaqo ay is-dhaafsadeen madaxtooyada Somaliland iyo shir-guddoonka Golaha, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay la xidhiidhaan xeerka furista ururrada siyaasadda, waxaana muuqata in madaxtooyada qaab siyaasi ah uga faa’iidaysanayo arrintan oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ay caddaadis ku saarayso sidii uu xeerkaasi u horkeeni lahaa Golaha.

Xogaha la helayaa waxa ay tibaaxayaan inay habrasho laba mid dooro ah ku tahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo aan doonayn inay isa seegaan xisbigiisa Waddani haddii uu golaha horkeeno xeerkan iyo in duufaano siyaasadeed kaga furmaan dhinaca xukuumadda haddii uu ka caga-jiido rabitaanka madaxtooyada maadaama uu muddo kooban hayay xilka guddoomiyaha Golaha.

In kasta oo xukuumaddu hore isugu dayday inay hanato shir-guddoonka Golaha si danaheeda siyaasadeed ee shuruucda ku xidhani u meel-maraan, haddana waxa la tuhunsan yahay in xukuumaddu wali danaynayso oo aanu ka samrin gacan-ku-dhigista shir-guddoonka, taasina ay tahay sababta la saadaalin karo inuu guddoomiye Cabdirisaaq ugu habran karo ama ugu dhego-nuglaan karo meel-marinta rabitaanka madaxtooyada.

Somalilandpos.net

contact@somalilandpost.net