Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka hadlay Xadhigga siyaasi Ramaax iyo Shuruud uu ku xidhay Sii-deyntiisa

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) uu u xidhan yahay Dacwad uu ka gudbiyey.

Baashe-cadde oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Salaadiin iyo Odayaal ka codsadeen inuu ka noqdo Dacwadda uu ka gudbiyey Ramaax ee keentay in xabsiga loo taxaabo, isaguna uu dalbaday in Raalli-gelin laga siiyo eedaymo Ramaax u jeediyey.