Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo Xilka u kala wareejiyey Isu-duwihii hore iyo Isu-duwaha Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta

 

Burco (SLpost)- Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, ayaa xilkii u kala wareejiyay Isudiwihii hore ee wasaaradda Warfaafinta gobolkaas Cabdisataar Cabdilaahi Cali (Sabri) iyo Isu-duwaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Siciid Saleebaan Nuur.

Isu-duwaha Cusub Siciid Saleebaan Nuur oo ka mid ah Suxufiyiinta muddada dheer ka shaqaynayay Wasaarada Warfaafinta oo uu uga soo warramo magaalada Burco, waxa dhawaan xilka u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Waci-gelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, isagoo beddelay Xilkii uu hayey Wariye Cabdisataar Cabdilaahi Cali (Sabri) oo lagu tilmaamo shaqsi hawl kar ah islamarkaana mudo dheer ku soo jiray hawlaha warbaahinta, gaar ahaan shaqaalaha Telefeshinka Qaranka Somaliland Xafiiskiisa Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Munaasibadda Xil-wareejinta labada masuul oo ku qabsoontay Xafiiska Maamulka gobolka Togdheer, waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay Isu-duwihii hore Suxufi Cabdisataar Sabri oo sharraxaad ka bixiyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey.

Warkan oo Faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose