Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo kormeeray Dhismaha Waddada GAMBO-CUNE iyo halka ay marayso

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex, ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha Waddo Cusub oo Isku xidhaysa Xaafadda 150-ka Dooxa Gambo-Cune ee duleedka Woqooyiga magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha waxa kormeerka ku wehelinayey Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Maroodijeex iyo Guddi gacanta ku haysa Dhismaha Waddada oo halkaas warbixin ku siiyey qaabka ay u socoto dhismaha waddadu.