Guddoomiyaha Dallada SONYO oo Munaasibadda Ciidal-Fidriga ku bogaadiyey Dhalinyarada Dalka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Daladda Kulmisa Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Mubaarik Ismaaciil Taani, ayaa munaasibadda Ciidal-Fidriga awgeed waxa uu salaan iyo Hambalyo u diray Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dhalinyarada dalka.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah hambalyadiisa ugu digaray Shaqaalaha ka hawl-gala Dalladda SONYO, Masuuliyiinta Ururrada Dhalinyarada iyo dhammaan dhalinyarada dalka meelkasta oo ay joogaan gudo iyo dibad, waxaanu u rajeeyey Guud ahaan Shacbiga in Eebbe Caafimaad-qab iyo Barwaaqo ku gaadhsiiyo sannadkan kiisa kale.

Mubaarik Taani SONYOSidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Dalladda SONYO, kaas oo u qornaa sidan: “Guddoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo ku hadlaya Magaca Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir, Dhammaan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, Agaasimaha Fulinta SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, Dhammaan Shaqaalaha Xarunta SONYO iyo Isu-duwayaasha Gobolada SONYO, Masuuliyiinta Ururada dhallinyarada Somaliland, dhammaan Ardayda Dalka Dugsi Iyo Jaamacadba iyo Guud ahaan Dhallinyarada reer Somaliland Gudo iyo Dibadba waxa uu Hambalyo iyo Bogaadinta Munaasibadda Ciiddal Fidrida Hawada u marinayaa dhammaan Shacabka reer Somaliland, Masuuliyiinta Qaranka iyo Guud ahaan Dhallinyarada Somaliland isaga oo ku hambalyeynaya Munaasabadda Ciidda Soon-furi. Guddoomiyaha SONYO waxa uu dalka iyo dadkaba ugu ducaynayaa in uu sannadka sannadkiisa innagu gaaadhsiiy Cibaado suubban iyo camal wanaagsan, Horumar Qaranimo, guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland-na bash bash iyo barwaaqo tii ku gaadha Himilooyinkeeda qaranimo,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net/Hargeysa