Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Agabbar oo Xilka la wareegay iyo Ballan-qaadka Qorsheyaashiisa Wax-qabad

 

Agabar (SLpost)- Guddoomiyaha Cusub ee degmada Agabbar Idiris Jaamac Xasan, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Guddoomiyihii hore ee Degmadaas Axmed Aadan Cumar. Waxa kale oo isaguna halkaas xilka kula wareegay Xoghayaha Fulinta Dowladda Hoose ee degmadaas.

Munaasibadda xil-wareejinta labada masuul oo ku qabsoontay xarunta Dowladda Hoose ee degmada Agabbar oo ka tirsan gobolka Gabiley, waxa ka qayb-galay guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gabiley, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley, Maayarrada magaalooyinka Wajaale iyo Arabsiyo, Xildhibaano ka socday golaha degmada Gabiley, , Odayaasha iyo Wax-garadka degmada iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Agabbar
Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Agabbar

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Odayaasha iyo Wax-garadka Degmada Agabbar oo soo dhaweeyey Guddoomiyaha Cusub isla markaana sii sagootiyey Guddoomiyihii hore ee degmada.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net