Guddoomiyaha Baanka Dhexe Oo Hadhi-sharafeed Laysku Arkay Ku Maamuusay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa Maanta Hadhimo-sharafeed u sameeyay Guddolmiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Hadhimo-sharafeeddan waxa ka qayb-galay Madaxda kale ee Baanka, sida Agaasimaha guud Maxamed Qaasim Xuseen, Xubnaha kale ee Shir-guddooonka Golaha, xildhibaannada Golaha Wakiillada, Wasiirrada Xukuumadda Somaliland iyo Madax-dhaqameed.

Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Baanka dhexe Engineer Cali Cabdillaahi Daahir, waxaanu sheegay in Faratoon uu yahay siyaasi ruug-cadaaya oo Golaha Wakiilladu u baahnaa hoggaamintiisa.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Albaani iyo Xildhibaan Barkhad Batuun.

Gebogabadiina waxa Hadhimo-sharafeeddan ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon).