Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda oo Sharraxay Qaabka uu Ku yimi Heshiiska Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka

 

Hargeysa (SLpost)- 0Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta ee Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, ayaa soo dhaweeyey heshiiska ay Madaxweynaha iyo Xisbiyada mucaaradka ahi ka gaadheen khilaafkii guddiga doorashada iyo qabashada doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo marar badan dib u dhacay ka taagnaa oo Xukuumadda iyo Mucaaradka u dhexeeyey, waxaanu sharraxay doorka Akaademigu ku leeyahay heshiiskan ay maanta kala saxeexdeen.

Maxamed Faarax waxa uu sheegay inuu heshiiskani yahay guul u soo korodhay Somaliland oo meesha ka saaraya murankii iyo doorasho la’aantii dalka ka taagnaa inta badan, waxaanu yidhi; “Heshiiskani waa midaan ku hambalyeynayno Madaxweynaha, Guddoomiyaha UCID iyo Guddoomiyaha Waddani, waa rrin soo afmeertay muran in badan taagnaa, waa arrin innoo saamaxaysa in doorashadi 2020-ka dhacdo.”

Guddoomiyaha Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland Maxamed Faarax waxa uu sheegay inaanu heshiiskani ahayn mid Somaliland dibedda kaga yimi oo Midawga Yurub iyo Beesha caalamku wadatay, balse uu yahay fikir iyo aragti dalka gudihiisa ka curatay oo Akaademigu hormuud u ahaa.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadalka Guddoomiyaha