Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo soo bandhigay 6 Lix Mashruuc oo ay tartan u galeen 46 Shirkadood iyo Gobollada laga fulinayo (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraayada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta furay tartan loo galayo Lix Mashruuc oo laga fulinayo qaar ka mid ah gobollada iyo degmooyinka ee dalka.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada oo lagu shaaciyey lixda mashruuc oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo uu wehelinayo Agaasimaha iyo masuuliyiinta Guddiga Qandaraasyada, waxa ka qayb-galay 46 Shirkadood oo isu diiwaangeliyey inay ka qayb-qaataan tartan ay u galaan lixdaas mashruuc.

Mashaariicda oo dhammaantood la xidhiidha horumarinta adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada, waxa ka mid ah Xafiis Cusub iyo Qol Store ah oo lagu kordhinayo Dugsiga Qool-cadey ee gobolka Daad-madheedh, Dayac-tirka Dugsiyada Cabdisalaan, Bursade, Suuqsade iyo Abdaal ee gobolka Saaxil, Xarunta Waxbarashada ee Buuhoodle, Dhismaha Xarunta Waxbarashada ee Badhan, Dhismaha iyo Dayac-tirka Jeelka Gabiley, iyo Dhismaha Jeelka Minjo-Caseeye ee gobolka Saaxil.

Xubno ka mid ah shirkadaha ku tartamayay lixda Mashruuc oo halkaas ka hadlay, ayaa Guddiga Qandaraasyada ku ammaanay hannaanka ay u soo bandhigeen mashaariicda iyo qaabka ay shirkaduhu ugu tartamayaan.

“Anigu waxaan ka socdaa shirkadda Bijek Construction oo ka jirta gobolka Saaxil. Haddaanu nahay dadka ku hawlan dhismaha, aad baanu u soo dhawaynaynaa hawlaha Guddigu u hayso qaranka,” Sidaas waxa yidhi masuul ku hadlayey magac shirkad dhisme oo u tartamaysa mashaariic laga hirgelinayo gobolka Saaxil.

Masuul u hadlay shirkad dhisme oo xarunteedu tahay magaalada Badhan una tartamaya mashruuca dhismaha Xarunta waxbarashada ee Badhan oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa qolada qandaraasyada, Soomaalidu waxay tidhaahdaa, ‘War dhafoor buu ku yaallaa’, warku halkaas buu ku yaalaa, warkaas qoran ee inaas ka badan 30-ka shirkadood nimankaas u caddaaladda samaynaya ee kala saaraya, aad iyo aad baanu ugu mahad-celinaynaa. Madaxweynihii soo igmadayna waxaan odhan karnaa, ciddii ku munaasibka ahayd buu u dooray shaqadan. Anigu shirkad ahaan mashruuca aan u tartamayaa waa dalka halka ugu dambaysa oo faro-gelin badanna ku jirto, caddaalad bay noo samaynayaa oo shirkado reer Badhan ah baanu ku tartamaynaa.”

Intaas kaddib, Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka Jamarde Saadle, ayaa si rasmi ah u furay inay shirkaduhu ku tartamaan Lixda mashruuc oo shirkad waliba ay soo bandhigtay Kharashka lacageed ee ay ku fulinayso Mashruuca ay u tartamayso, waxaana magaca shirkad kasta halkaas ka xaadiriyey magacyada shirkadaha ka qayb-galaya tartanka.

Gebo-gabadii waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, waxaanu sheegay inay si caddaalad ah u soo bandhigi doonaan cidda ku guulaysata fulinta mashaariicda.

“Waxaanu furnay Lix mashruuc oo laga hirgeliyo gobollada iyo degmooyinka dalka. Waxa ku soo tartamay 46 shirkadood. Insha Allah waxaanu go’aanka kama dambaysta ay shaacin doonnaa maalinta Sabtida.

Shirkadaha waxaan kula dar-daarmayaa, sidii caadada noo ahayd, inaad naga fishaan caddaalad, tartan caddaalad ah oo aan mad-madow ku jirin ayaanu idiin qaban-doonnaa,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Md Nuux Maxamed Xuseen.

 

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com