Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyey Magacyada Shirkadaha ku guulaystay Mashaariic loo tartamay iyo qaaar hor leh

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Shirkado ku guulaystay Saddex Mashruuc oo tartankooda la naadiyey todobaadkan, kuwaas oo ay ku tartameen shirkado tiro badan oo muwaadiniin ah.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Guddiga Qandaraasyada, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo masuuliyin ka tirsan Dowladda, ayaa lagu shaaciyey magacyada saddex shirkadood ku guulaystay Mashaariicda oo loo fulinayo hay’adaha dowladda.

Saddexda Mashruuc ayaa kala ah Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Ceerigaabo, Dib u dhis iyo Casriyey lagu samaynayo Xarunta maamulka gobolka Maroodijeex iyo Qalab cusub oo ay u baahan tahay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Mr Nuux Maxamed Xuseen oo halkaas ka hadlay, ayaa halkaas ka shaaciyey magacyada shirkadaha ku guulaystay saddexda Mashruuc.

Dhinaca kale, Guddiga Qandaraasyada Qaranku waxa ay daah-fureen tartan loo galayo mashruuc ku saabsan Qalab iyo mishiinno loo doonayo Madbacadda Qaranka, waxaana halkaas goob-joog ka ahaa shirkadaha taranka ka qayb-qaadanayay.

Faahfaahinta Warkan kaga Bogo Muuqaalka Hoose