Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyey Shirkad ku guulaysatay Qalab loo soo iibinayo Dhismaha Waddada Ceerigaabo

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Shirkad ku guulaysatay Qalab Cusub oo ka Qayb-qaadan doona Dhismaha Waddada Laamiga ah ee Isku xidhaysa Gobollada Togdheer iyo Sanaag.

Qandaraaska Qalabka Cusub ee dalka dibaddiisa laga keenayo oo Guddigu hore ugu soo bandhigeen bulshada isla markaana tartankiisa ka qayb-galeen laba shirkadood, waxa ay Guddiga Qandaraasyadu maanta shaaciyeen inay ku guulaysatay shirkad lagu magacaabo ALLIED DEVELOPMENT, taas oo tartanka ku gashay inay Qalabka Cusub ku keenayso Qiime Dhan $938,000 marka loo eego Qiimaha Guddigu ku soo bandhigtay oo dhan $950,000.

Kulanka lagu shaaciyey Shirkadda ku guulaysatay Qandaraaska oo ku qabsoomay Xarunta Guddiga ee magaalada Hargeysa, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Nuux Maxamed Xuseen, xubno ka tirsan Guddiga iyo Saraakiil ka socday Shirkadda Qandaraaska ku guulaysatay.

Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo halkaas ka sheegay inay Qandaraaska Mashruucan ku tartameen laba shirkadood oo midkood aanay kulanka maanta goob-joog ka ahayn isla markaana ka maqnayd, sidaa awgeedna shirkadda Allied Development buuxisay shuruudihii looga baahnaa, sidaasna ku qaadatay inay ku guulaysato Qandaraaska Qalabka loo soo iibinayo dhismaha Waddada Ceerigaabo.

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE