Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Daahfuray Tartan loo galayo laba Mashruuc oo Hay’adda Dhowrista Tayada looo fulinayo

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta soo bandhigay mashaariic kala duwan oo loo fulinayo hay’adaha dowladda, kuwaas oo ay u taramayaan shirkado waddani ah.

Mashaariicda Guddigu soo bandhigtay oo loo fulinayo hay’adda Dhowrista Tayada, ayaa ka kooban Dhisme cusub oo loo dhisayo iyo Dhismaha Shaybaadh heer Caalami ah oo hay’adda loo dhisayo, kaas oo ay ku kacayso lacag boqolaal kun oo Dollar ah.

Kulanka Qandaraasyada lagu shaaciyey oo ku qabsoomay Xarunta Guddiga, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddiga, Guddoomiyaha Hay’adda Dhowrista Tayada iyo Shirkadaha Waddaniga ah ee ka qayb-qaadanaya tartanka labada Mashruuc.

Waxa madasha ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Mr Nuux Maxamed Xuseen, Guddoomiyaha hay’adda Dhowrista Tayada, Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada, xubno ka tirsan Guddiga iyo xubno ku hadlay magacyada shirkadaha tartanka ka qayb-qaadanaya.

Haddaba, faahfaahinta Warkan oo dhammeystiran kaga Bogo Muuqaalka Hoose