Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Daah-furay Tartan loo galayo Mashaariic hay’adaha Dowladda loo fulinayo

15 Shirkadood ayaa ka Qayb-qaadanaya Tartanka Afar Mashruuc oo loo fulinayo Xukuumadda

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay Tartan loo geli doono Afar Mashruuc oo loo fulinayo hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Mashaariicda ayaa tartankooda lagu daah-furay Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Guddiga, masuuliyiinta hay’adaha dowladda ee loo fulinayo Mashaariicda iyo xubno metelayey Shirkadaha ka qayb-qaadanaya Tartanka Mashaariicdan.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo madasha kulanka ka hadlay, ayaa sharraxay noocyada ay yihiin mashaariicda loo fulinayo hay’adaha dowladda oo tartankooda ay ka qayb-qaadanayaan 15 shirkadood oo waddani ah.

“Maanta waxaanu halkan ka shaacinaynaa Afar Mashruuc oo kala ah. Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee gobolka Saraar ee degmada Caynaba , Dhismaha wasaaradda Ganacsiga looga dhisayo gobolka Awdal deegaanka Abaaso, Raashin loo doonayo hay’adda U-diyaar-garowga Masiibooyinka iyo Keydka Raashinka iyo Qalab ICT ah oo loo doonayo Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, waxaanu halkaas ka ballan-qaaday inay si caddaalad ah u kala saari doonaan shirkadaha tartanka ka qayb-galay.

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada Maxamed Axmed Xasan (Jabarti-Saadle) oo isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu faahfaahiyey tirada shirkadaha soo xeraystay Mashruuc kasta ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.

Waxa kale oo Madasha hadallo ka jeediyey masuuliyiinta shirkadaha tartanka ka qayb-qaatay oo kalsooni ka muujiyey rejada ay ka qabaan natiijada ka soo bixi doonta go’aanka Guddiga Qandaraasyadu ku kala saarayaan shirkadaha.

Muuqaalkan Hoose kaga Bogo Warkan oo faahfaahsan.