Guddiga Qandaraasyada oo shaaciyey Magacyada Shirkado ku guulaystay Saddex Mashruuc oo Hay’adaha Dowladda loo fulinayo

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey shirkadaha ku guulaystay mashaariic kala duwan oo xukuumaddu hirgelinayso kuwaas oo hore loo naadiyey qandaraaskooda.

Guddiga Qandaraasyada ayaa Khamiistii Daah-furay saddex Mashruuc oo tartankiisa ka qayb-galeen 70 shirkadood, waxaana mashaariicda ka mid ah Dhismaha deyrka Garoonka Diyaaradaha ee Boorama, Dhismaha Hool cusub oo lagu kordhiyo Dugsiga degmada Adhi-caddeeye ee gobolka Sool iyo Dhisme hool ah oo lagu kordhiyo Xarunta Xeer-ilaalinta Qaranka. 

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyda Qaranka oo lagu shaaciyey Magacyada shirkadaha ku soo baxay tartanka loo galay Mashaariicda, waxa goob-joog ka ahaa Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Shirkadaha Tartanka ka qayb-galay iyo Masuuliyiin ka socday hay’adaha Dowladda ee Mashaariicda loo fulinayo.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ugu horeyn ka hadlay kulankaas, ayaa shaaciyey magacyada Shirkadaha ku guulaystay Saddexda Mashruuc.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net