Guddiga Qandaraasyada oo Shaaciyey magaca Shirkadda ku Guulaystay Fulinta Dhismaha Guriga Martida ee Ceerigaabo

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay tartan loo galay Qandaraaska Dhismaha Guriga Martida ee magaalada Ceerigaabo kaas oo Kharashka dhismihiisa ku baxaya xukuumaddu maalgelinayso.

Tartanka loo galay fulinta qandaraaska dhismaha Guriga Martida ee Ceerigaabo oo ay ka qayb-galeen 16 Shirkadood, ayaa lagu daah-furay kulan maanta ku qabsoomay xarunta Guddiga waxaana goob-joog ka ahaa Xubnaha Guddiga Qandaraasyada iyo masuuliyiin ka socotay shirkadaha tartanka ka qayb-galay.

Bandhigga tartanka shirkadaha ka qayb-gaatay kaddib, waxa ay guddigu isla saakaba kala saartay shirkadaha iyo shuruudihii looga baahnaa fulinta mashruuca, waxaanay Guddigu halkaas ka shaaciyeen inay mashruuca ku guulaystay shirkadda Dhismaha ee Tayo Construction Company, Sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Qandraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen.

Warkan oo Faahfaahsan iyo Jewigii saaka ee daah-furka mashruuca kaga bogo muuqaalka Hoose.