Guddiga Nabadgelyada oo ka shiray Xoojinta Ammaanka gobolka Sool iyo Go’aamo ka soo baxay

Laascaanood (SLpost)- Gudidda Nabad-gelyada ee Gobolka Sool oo kulan ku yeeshay xarunta maamulka maanta, ayaa soo saaray go’aamo hor leh oo lagu xoojinayo adkeynta ammaanka gobolka.

Kulanka maanta ku qabsoomay Xarunta Maamulka gobolka, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Maayarka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool Gaashaanle Sare Axmed Cabdilaahi Cabdi iyo Taliyaha Aagga bari ee Ciidanka qaranka Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen.

Kulanka kaddib, waxa go’aamada guddigu soo saaray oo siddeed qodob ka kooban warbaahinta la wadaagay Xoghayaha Maamulka Gobolka Sool, waxaanu sheegay in go’aamadani dhaqan-gal yihiin laga bilaabo maanta oo Axad ah.

Advertisement

Qodobbada ka soo baxay kulanka Guddiga nabadgelyada gobolka, waxa ay kala yihiin:

1- Qabashada Hubka.
2- Gaadiidka aan Taarikada lahayn oo Tallaabo laga qaadayo.
3- Adkaynta Nabadgelyada Wakhtiga Kala guurka.
4- Qoriga la qabto in la haynayo Mudo 3 bilood oo u dhiganta 90 maalmood.
5- Qofkii aan Ciidan ahayn ee lagu qabto Tuute isagoo xidhan sharciga ayaa la horgaynayaa.
6- In aan hub lagu qaadan karin magaalada dhexdeeda qofkii lagu qabto waa dambiile sharcigaana la horgaynayaa.
7- Baabuurta wareegta Saacadaha dambe habeenkii ee la garan waayo shaqada ay hayso, waa la qabanayaa.
8- Baabuurta Bersoll (Bacda lagu dhajiyo Muraayada) leh waa laga goynayaa.

Guddigu waxa ay sheegeen inay go’aamadani wax weyn ka tarayaan xoojinta nabadgalyada gobolka Sool maadaama xiligan la isu diyaarinayo doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiilladda iyo deegaanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On