Guddiga ka-hortagga Covid-19 ee Somaliland oo Go’aamo Culus soo saaray, kuwo hore khafiifiyey

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga heer Qaran ee ka hor-tagga Cudurka Covid-19 ee Somaliland, ayaa soo saaray go’aanno ay ku khafiifiyeen amarradii ay hore u soo saareen ee looga dan lahaa yaraynta faafitaanka xanuunkaaa.

War-qoraal ah oo ay soo saareen Axadda 31-ka May 2020 Guddiga Qaran, ayey ku sheegeen in Goobaha Ciyaaraha (sida: Garoomada, Playgrounds, Jimicsiga) la furi karo, balse lagu amrayo inay raacaan una hoggaansamaan dhammaan habraacyada loogu talagalay ka hortagga faafitaanka Covid-19, sida adeegsiga gafuur-xidhka, faro-gashiga iyo kala fogaanshaha Bulshada.

Warka ka soo baxay Guddiga heer Qaran ee Covid-19, ayaa u qornaa sidan:-

“GO’AAMADA AY GUDDIDA COVID-19 KU SAMEEYEEN DIB U EEGIS IYO KAABIS:

1. GOOBAHA CIYAARAHA:
Goobaha Ciyaaraha (sida: Garoomada, Playgrounds, Jimicsiga) waa la furi karaa, balse waxa lagu amrayaa inay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

2. GAADIIDKA DADWEYNAHA:
Dhammaan Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan; sida: basaska rakaabka, tagaasida, tikta (bajaaj) ma jiraan wax iska bedelay go’aamadii ay Guddida COVID-19 hore u soo saartay, waxana ay ahaanayaan sidoodii hore ilaa 30-ka June 2020.

Sidoo kale, dhammaanba Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan waxa lagu amrayaa in ay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaanshaha, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

3. MASAAJIDADA:
Dhammaan Masaajidada waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba hab-raacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19 (sida: sijaajadaha, kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga).

Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal ayaa lagu samayn doonaa. Sidoo kale, waxa xidhnaanaya Musqulaha iyo Goobaha weysada.

4. GOOBAHA SHAQADA & GANACSIGA:
Dhammaan Goobaha Shaqada iyo Ganacsiga waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sIda: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

5. DUULIMAADYADA DIYAARADAHA:
Duulimaadyada Diyaaradaha, kuwa ku socda iyo kuwa ka imanayaba, ma jiraan wax iska bedelay go’aamadii Guddida heer Qaran ee COVID-19 ay hore u soo saartay, waxayna ahaanayaan sidoodii ilaa 30-ka June 2020.

6. ISU-IMAATINKA BULSHADA:
Waxa gebi ahaanba reeban (mamnuuc ah) isu-imaatinka iyo isu-soo-ururka bulshada nooc kasta oo uu yahayba, wax ka badan 10 qof (oo raacaya habraacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19, sIda: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Wixii laga maarmi waayo, waxa ogolaansho Qoraal ah laga qaadanayaa Guddida Heer Qaran ee Ka hortagga iyo maaraynta Xanuunka COVID-19.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Guddiga Covid-19 ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net