Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddi-hoosaadka Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan xog-waraysi ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Kulanka oo ku qabsoomay Xarunta Golaha Wakiillada, ayaa qayb ka ahaa kulamo is-daba joog ah oo Guddigu maamihii u dambeeyey la yeelanayeen masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dowladda, waxaanay labada dhinac iska xog-waraysteen hawlaha qaran ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Qaranka u hayso.

Kulanka oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, waxa markii uu soo dhammaaday warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka joogtada ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse Cige (Axmed Inni) oo faahfaahin ka bixiyey qodobbada ay kulankooda kaga wada-hadleen.

Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse Cige (Axmed Inni) oo ugu horeyn hadlay, ayaa yidhi, “Maanta waxaanu u yeedhnay wasaaradda maaliyadda, waanu is-waraysannay waxyaabihii aan uga baahnayn si togan ayay uga jawaabeen, waanay nagu qanciyeen. Sifaha dowladnimo ayay tahay in la wada-shaqeeyo oo arrimaha jira laga wada-hadlo, wixii qaldanna la saxo, wixii saxanna sidiisa loo wado.”

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa dhankiisa faahfaahiyey ujeeddada kulanka, “Xildhibaannadu iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ayay maanta noogu yeedheen kulan is-xog-waraysi ah. Waxaanu iska waraysannay xaaladda dhaqaale iyo xaaladda miisaaniyadeed, si fiican baanay noo soo dhaweeyeen, su’aalihii ay na weydiiyeenna waanu uga jawaabnay, waanay ku qanceen,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland.