Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyey Bilowga Kaadh-qaybinta Gobollada Togdheer, Awdal iyo Maroodijeex

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabirashiid Riyo-raac), ayaa sheegay in gobollada Awdal, Togdheer iyo Maroodijeex si rasmi ah looga bilaabi doono hawsha kaadh-bixinta codbixiyeyaasha maalinta Arbacada ah oo ku beegan 31-ka bishan March si.

Guddoomiye Cabdirashiid-Riyo-raac oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay hawsha kaadh-bixinta codbixiyeyaashu ay muddo saddex cisho ka socon doonto saddexdaas gobol, iyadoo kaadhadhka laga qaadan doono dhammaan goobahii hore ee ay diiwan galintu ka dhacday.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka waxa uu  shacabka ugu baaqay inay qaataan kaadhadhka codeynta, isla markaana ka faa’iideystaan muddada loo cayimay qaadashadooda, iyadoo la raacayo tilmaamaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee xakamaynta xanuunka Covid-19, sida Af-saabka, Kala fogaan shaha iyo ilaalinta faya-dhawrka.

Advertisement

DAAWO WARKAN OO MAQAL IYO MUUQAAL AH

Waxa uu Guddoomiyuhu mahad-naq u jeediyey xukuumadda, Xisbiyada qaranka, Ciidanka kala duwan ee dalka, Jaamacadaha, Beesha caalamka iyo guud ahaan shacabka Somaliland oo ku ammaanay sida ay ula shaqeeyaan Gudida Doorashooyinka qaranka.

Dhanka kale, guddiga doorashooyinku waxa ay maanta kala direen hawl-wadeennada, gaadiidka iyo Agabka hawsha qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha ee gobollada Awdal, Togdheer iyo Maroodijeex oo maalinta Arbacada ka bilaabmaya goobihii hore diiwangelintu uga qabsoontay ee ku yaalla saddexda gobol.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement