Guddiga Doorashooyinka oo Saddexda Xisbi Qaran kala shiray Xeer-nidaamiyaha Doorashada

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta Kulan ku saabsan arrimaha u diyaar-garowga iyo u hoggaansanaan shuruucda doorashada la qaatay wakiillo ka socda Saddexda Xisbi siyaasadeed ee dalka.

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka, ujeeddada kulanka dhexmaray KDQ iyo Xisbiyada ayaa ku saabsanayd sidii loo xoojin lahaa ku-dhaqanka xeer-nidaamiyaha lagu jideeyey qaabka ay xisbiyadu u xulanayaan murashaxiinta ka qayb-galaysa tartanka Doorashada.

“KDQ ayaa Kulan la qaatay Axsaabta Qaranka iyagoo kala hadlay Xeer-Nidaamiyayaasha & Habraacyadii ay u sameeyen Xulida Musharixiintooda taasoo ah talaabo uu waajibiyey Xeer Lr. 91/2020.

Qareenada KDQ ayaa iyaguna Axsaabta u sharaxay Hannaanka Xeerku rabo inay Axsaabtu wax u xulaan,” waxa sidaas lagu sheegay war-qoraal kooban oo ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka.

Warku waxa uu intaas ku daray in Sharci-yaqaannada Komishanka Doorashooyinku ay si faahfaahsan ugu sharraxeen wakiillada ka socday xisbiyada Tayayn iyo Waafajinta Xeer Lr. 91/2020 ee ay ku sameeyeen Hab-raacyadii iyo Xeer-Nidaamiyayaashii Xulidda Musharixiinta oo ay Saddexda Xisbi hore ugu gudbiyeen Komishanka doorashooyinka qaranka.

Sharci-yaqaannada KDQ waxa ay kulanka ka ballan-qaadeen inay diyaar u yihiin in ay xisbiyada qaranka taageero ka siiyaan wixii farsamo ah ee ku saabsan dabbaqidda xeer-nidaamiyaha Doorashada.

“Waxay Garyaqaanada KDQ Xisbiyada ka taageereen Farsamo ahaan siday Foomamka Musharixiintooda ka buuxbuuxinayaan u noqonayaan kuwo dhammaystiran oo si buuxda u waafaqsan Xeer Lr. 91/2020.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net