Guddiga Daba-galka Hantida Qaranka oo shaacisay in Xukuumaddii Siilaanyo Deyn $80 Milyan ku wareejisay Xukuumadda Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Guddiga ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, waxaanay ka wada-hadleen arrimo badan oo ku saabsan miisaaniyadda dowladda iyo qaabka ay hay’aduhu u isticmaalaan.

Markii Kulankaasi soo idlaaday, waxa si wada-jir ah saxaafadda ula hadlay Guddoomiyaha Guddigan Xildhibaan Ismaaciil Mahdi Buubaa iyo Wasiirka Maaliyadda oo faahfaahin ka bixiyey arrimaha ay ka wada-hadleen.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi la tiic-tiicayso deyn faro-badan oo ay ku wareejisay xukuumaddii ka horeysay ee Madaxweyne Siilaanyo. Waxa uu sheegay in xukuumaddii hore wareejisay deyn dhan siddeetan milyan oo dolar ($80m).

“Waxa jirta Siddeetan Milyan oo Doolar oo deyn ah oo ay ku wareejisay xukuumaddii hore, inkastoo markii xilka ay wareejinayeen sheegeen in aanay jirin deyn ay wareejinayaan, haseyeeshee xukuumadan dambe waxay ka dhaqaaqi laadahay deyntaasi oo culays weyn ku noqday.”ayuu yidhi xildhibaan Buubaa oo ka hadlayey deyntaasi aan hore loo shaacin inay jirto.

Muuqaalkan Hoose Kaga Bogo Hadallada labada Masuul