Guddiga Cusub ee Doorashooyinka Somaliland oo la dhaariyey iyo Dar-daarankii Madaxweynaha

 

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Qaran ee dhawaan la dhisay.

Xubnahan cusub ee Komishanka doorashooyinka qaranka oo dhawaan uun uu ansixiyey golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah,  si  ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxaana uu ku  adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta.

Dhaarinta xubnaha Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku soo beegmaysa wakhti khilaaf ka taagan yahay sharcinimada xubno ka mid ah Guddiga oo Axaabta mucaaradku ka soo horjeedsadeen kaddib markii ay ku eedeeyeen ka tirsan yihiin xisbiga talada dalka haya, sidaa awgeedna aanay dhex u noqon karin tartanka xisbiyada siyaasadda.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ka kooban Todoba xubnood oo saddex ka mid madaxweynuhu soo magacaabay, halka Xisbiyada mucaaradkuna laba xubnood soo magacaabeen, Golaha Guurtiduna laba xubnood.

Haseyeeshee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa khilaafkaas awgeed dib ula noqday xubintii uu soo magacaabay oo maanta ka maqnaa munaasibadda lagu dhaariyey, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen Lix Xubnood oo kaliya.

Somalilandpost.net