Guddiga Cusub ee Doorashooyinka oo Hoggaanka Cusub Doortay iyo Wejiga Madal Mucaaradka iyo Muxaafadba loo dhammaa oo xilka ay kula wareegeen

komishan (2)Hargeysa (SLpost)- Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta xilka kala wareegay Guddigii hore ee shaqadu ka dhammaatay, isla markaana waxay doorteen labada xubnood ee kala noqonaya Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Afhayeenka Guddiga.

Hase-yeeshee, Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo Xafladda goob-joog ka ahaa, ayaa ku gacan-saydhay, go’aansadayna inay dibedda uga baxaan Munaasibadda markii Afhayeenka Guddiga oo loo doortay Siciid Cali Muuse ku dhawaaqay Magacyada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka oo ka tirsan xubnaha ay soo kala xuleen Golaha Guurtida iyo Madaxweynuhu.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo xubno kale oo labadaas Xisbi ka kala socday, ayaa markii lagu dhawaaqay labada Magac ee Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga doorashada, iyagu istaagay, isla markaana isku qaaday Al-baabka laga baxo ee Hoolka Shirarka xarunta Guddiga doorashooyinka ee magaalada Hargeysa oo Xafladda xil-wareejinta iyo shaacinta is-doorashada xubnaha xilka la wareegay ka socotay.

Masuuliyiintan Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa waxay ku tilmaameen inay xubnihii dawladdu soo magacawday oo keliyi isku koobeen xilalka Guddiga doorashooyinka, sidaa awgeedna ay qaaddeceen oo aanay u arkayn caddaalad iyo inay Xisbiyada u garsoori karraan.

Inkasta oo ay Masuuliyiinta Mucaaradku bixitaanka holladeen, haddana kumay guulaysan, ka dib markii Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE iyo Xubno kale, ayaa ku guntaday oo diiday inay dibedda u baxaan Faysal Cali Waraabe iyo Xubnaha kale ee labada Xisbi.

komishan (1)Hase-yeeshee, waxay Munaasibaddu ka baydhay hab-sami-u-socodkii ay hawshu u socotay, isla markaana waxa dibedda u baxay toddoba xubnood ee Guddiga cusub ee doorashooyinka Qaranka, waxa sidoo kale, iyaguna Hoolka Shirarka iskula hadhay Masuuliyiinta ka socday labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI, UCID iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo ay weheliyeen Xubno ka socday Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta iyo Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland.

Saacado la isku maqnaa ka dib waxa dibedda u soo baxay Xubnaha Guddiga doorashooyinka oo ay Warbaahintu isku dayday inay wax ka weydiiso waxa wax lagu dhammeeyey, waxaanay ka gaabsadeen inay Saxaafadda, balse Masuuliyiinta saddexda Xisbi, ayaa la hadlay Warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraaabe iyo Xoghayaha guud ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo labadaas Xisbi Mucaarad u hadlay, ayaa sheegay in ay Xubnaha Guddiga u rejaynayaan dhex-dhexaadnimo iyo caddaalad inay ku shaqeeyaan, balse ay habka hoggaanka loo doortay saluugeen oo aanay labadooda xubnood midna ka muuqan, isla markaana waxay sheegeen inay qoraal saluuggooda xambaarsan u gudbin doonaan Xubnaha Guddiga ee ay is-doorashadooda saluugga ka muujiyeen.

HALKAN KA DAAWO MUNAASIBADDA XIL-WAREEJINTA

@Aftahan News