Guddida Joogtada ee Guurtida oo Warbixin ku aaddan Shaqadooda u Jeediyey Golahaas

Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay Warbixin kaga dhagaysteen Gudida Joogtada ee Golaha Guurtida .
guurtiFadhigan oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Mudane Siciid Jaamac Cilmi, ayaa ugu horayn isagoo ku hadlaya magaciisa,ka shirgudoonka iyo ka Xildhibaanada Golaha Guurtida waxa uu dhanbaal tacsi ah u diray dawlada iyo Shacabka Jabuuti ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii baanka dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xeyd.
Xoghayaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida C/naasir Aadan Beegsi ayaa Mudanayaasha u akhriyay Warbixinta Gudida Joogtada ah, Gaar ahaan waxyaabahii ay ka hawlgaleen mudadii goluhu fasaxa ahaa waxana uu dul maray talaabooyinkii ay qaadeen oo ay ugu horaysay in la sameeyey jadwalkii shaqo ee kalfadhigii dhamaaday, sidoo kalena ay la kulmeen mas’uuliyiin qaran oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka booliska waxaanu intaas ku daray inay xog waranadaasi ku wajahnaayeen sidii Xog ogaal ugu noqon lahaayeen Xaaladii doorashada ee dalku ku jiray .
Xoghayaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtidu waxaa kale oo uu tilmaamay qaar ka mid ah hay’adaha dawlada oo ay xog warano la soo yeesheen.

Somalilandpost/Hargeysa