Guddida Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha ee HornWatch oo Cambaareeyey Weerarkii Foosha Xumaa ee lagu Qaada Xarunta Wargeyska HUBAAL

Hargeysa (SLpost)- Guddida Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha Geeska, ayaa cambaareeyey weerarkii foosha xukumaa ee dabayaaqada todobaadkii hore lagula kacay Xarunta Wargeyska madaxa bannaan ee Hubaal ee magaalada Hargeysa.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexdan yahay Guddoomiyaha Guddida Xuquuqda Aadamaha Geeska Afrika (Hornwatch), ayaa u dhignaa sidan: “Guddida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo magaciisa loo soo gaabiyo HornWatch, waxay si cambaarayn tan ugu saraysaa dusha uga tuurayaan, weerarka lagu qaaday xarunta Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeisa 24 April 2013 abaaro 11:15 p.m.

Weerarkan oo ahaa mid ay fuliyeen 2 askari oo wajiyada cumaamado ku soo duubtay kuna hubaysan baskoolado iyo bakoorado, isla markii ay gudaha u galeen xafiisyada Wargeyska Hubaal, waxay bakoorada gacan kaga jabiyeen GudoomiyihaWargeyska Maxamed Axmed Jamac ‘Caloolay’, sidoo kale rasaas ay rabeen in ay ku khaarajiyaan Gudoomiyaha Hubaal ayaa cuskatay gidaarkii uu ku tiirsanaa meel taako ka saraysa madaxiisa.

Saleebaan XuquuqKa sakow dhaawaca uu kiiskani uu u gaystay Amniga Qaranka, Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay u arkaan weerarkan mid lagu soo qaaday Madaxbanaanida dalka Somaliland, isla markaasina lagu dhabar jabinayo dadaalada uu wado Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo safaro shaqo bilihii ugu dambeeyay isaga dab qaadayay qaaradaha dunida isagoo XAQA AAYO KA TASHIGA shacabka Somaliland meel marintiisa halgan dublamaasiyadeed ugu jira. Waa Weerar si toos ah loogu soo qaaday danaha iyo masaaliixda Somaliland.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxa warwar xoog leh ku dhaliyay weerarkan oo ay fuliyeen 2 nin oo ka tirsan hay’adaha sharci-fulinta

Dhinaca kale weerarkan ayaa lagu soo aadiyay iyadoo Madaxayanaha Somaliland Mud. Ahmed Mohamed Siilaanyo uu ku sugan yahay caasimada dalka Maraykanka ee Washington, iyadoo dalka Ingriiskuna wado abaabulka shir caalami ah oo ka qaybgalkiisa uu ku gacan saydhay Madaxwayne Siilaanyo maadaama oo uu gudoominayo Madaxwaynaha Soomaaliya. Maragfurka ugu weyn ee Madaxwayne Siilaanyo caalamka u u sheegaayo waxa ka mid ah Somaliland waa dal ku dhaqma nidaam dimuquraadi ah iyo doorashooyin xor ah waa dal leh saxaafad madaxbanaan oo xor ah taasi oo aan laga helin badi qaarada Afrika iyo dunida seddexaad.

Weerarkan ayaa noqonaya kii 2aad ee noociisa ah ee ka dhaca gudaha Somaliland tan iyo markii Madaxwaynaha Somaliland iyo wafti culus oo uu hogaaminayaan u ambabaxeen dalka Turkiga, Boqortooyada Ingriiska iyo wadanka Maraykanka, iyagoo ka qaybgalaya wadahadalo siyaasadeed oo heerarkoodu sareeyo, kuwaasi oo qayb ka ah xaqiijinta XAQA AAYO KA TASHIGA IYO MADAXBANAANIDA SOMALILAND,

Weerarka 2aad ayaa isna ahaa kii lagu khalkhal galinayo baadhtaanka iyo sahanka shidaal ee ka socda gobolada Bari ee dalka isla markaasina lagu luminayo Shirkadaha caalamiga ah ee soo saara Shidaalka oo uu Madaxwayne Siilaanyo qaar cusub heshiisyo kula saxeexday maalmo ka hor magaalo madaxda dalka Maraykanka.

Difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland waxay ugu baaqayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland, iyo Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland in sida ugu dhakhsaha badan loo soo qabto ninkii  2aad ee weerarka ku weheliyay Askariga weriyayaasha Wargeyska Hubaal ay qabteen iyo sidoo kale cid kasta oo kale oo weerarkan kula jirtay farsamo ahaan iyo qorshayn labadaba, waa in cid kasta oo uu galo kiiskani shicib iyo madax darajo kasta ha lahaadaane la hor keenaa sharciga.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay dalbanayaan, si loo suurto galiyo in baadhitaan sugan lagu sameeyo kiiskan, isla markaasina loo soo celiyo Kalsoonida shacabka iyo tan Saxaafada Madaxabanaan Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay dalbanayaan in baadhitaanka kiiskan xukuumadu ka qayb galiso xubno ka mid ah Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga ee Madaxabanaan, Komishanka Xuquuqda Aadamiga Qaranka.

Suleiman Ismail Bolaleh

Gudoomiyaha

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HORNWATCH)