Guddida Doorashooyinka oo Soo afjaray Khilaafyo ka taagnaa Goobaha Codbixinta gobollada Qaarkood iyo Qaabka U-diyaar garowga Doorashada

Hargeysa (SLpost)- Guud ahaaan shacabka dalka Somalaland ayaa si wayn ugu diyar garoobay cod bixinta doorashada golaha degaanka ee Maalinta Beri ah dalka ka bilaabmi doonta Goobaha Codbixinta .

Komishneer Faarax Abiib oo ka mid ah Todobada Xubnood ee uu ka kooban yahay Gudida doorashooyinka qaranka kuna Sugan Magaalada Ceerigaabo ayaa shaaca ka qaaday in la soo afjaray khilaaf ka dhashay Goobaha Codbixinta isla markaana ay cadeeyay inay ambo bixiyeen hawl wadeenadii Komiishanka .

Dhinaca, kale Magaalada Berbera ayaa Wararka aanu ka helaynaa Waxay Sheegayaan inay la Ciirciirayso dadweyne ku soo qul qulaya si ay maalinta beri codkooda uga dhiibtaan.

Sidoo kale Wararka aanu ka helayno Gobolada Gebilay,Hawd, Sool,Saraar, Daad-Madheedh iyo Selel ayaa dhamaantoodba sheegaya in diyaar garow xoogani uu ka socdo kaas oo ku wajahan codbixinta Berri oo Arbaca ah loo dareeri doono.

Somalilandpost.neHargeysa