Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo la Kulmay Wasiirka Maaliyadda

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda maaliyadda JSL ayaa xafiiskeeda ku qaabishay Gudida dhaqaalaha u qaabilsan golaha wakiiladda Somaliland, iyada oo uu wehelinayo wasiiru-dawlaha wasaaraddaasi. Xubnahan ayaa ka wadda hadlay diyaarinta iyo dajinta miisaaniyadda qaranka ee sanadka soo socota oo dhawaan la horgayn doono golaha baarlamaanka. Waxa kale oo kullankooda ay ku soo qaadeen socdaal kormeer ah oo gudidu ku hubinaysay sida miisaaniyaddu u gaadhay gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan.

 

 

 

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo kullanka ka bacdi saxaafadda u waramaysay ayaa sheegtay in ay isla eegayeen oo ka wada shirayeen miisaaniyadda sanadka 2016, waxaanna ay tidhi “Shirkan aannu saaka halkan ku wada lahayn gudida maaliyada ee golaha wakiilada waxaaanu ka wada hadlay miisaaniyada soo socota horena aannu uga wada shaqayno, dhawaana ay gobolada iyo degmooyinka soo mareen iyaga oo tira koobaya sida ay miisaaniyaddu u gaadho gobolada iyo degmooyinka dalka aannu ku balanayna marka ay soo noqdaan inta aannaanu gudbin aannu isla eegno, tii baana maanta noo qabsoontay”.

 

 

 

Gudoomiyaha gudida dhaqaalaha ee golaha wakiilada JSL ayaa isaguna sheegay in wasaaradda maaliyadda oo ay awalba wada shaqayn jireen in ay isla eegayeen miisaaniyadda qaranka ee sanadka soo socda, isaga oo ka dhawaajiyey in ay si fiican u wada shaqeeyaan wasaaradda maaliyadda.

 

Somalilandpost, Hargeysa Office, 2015