Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada oo ka war-bixiyey Natiijada Kormeer ay ku Sameeyeen Madaarka Caalamiga ah Ee Cigaal

Hargeysa (SLpost)- Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kormeer shaqo ku maray Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa.

Xubnaha Gudidda ayaa waxa halkaasi ay kulan albaabadu u xidhnaayeen kula yeesheen masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradda Duulista oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradaasi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaasina ay wehelinayeen Agaasimaha Guud Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan, Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismacil, iyo masuuliyiin kale.

IMG_2007Xubnaha Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa kulankaasi ka dib indho indhayn ku sameeyey qaybo ka tirsan madaarka Cigaal, iyadoo halkaasi war bixino lagu siiyey, intaasi ka dibna masuulyiinta Wasaaradda duulista iyo xubnaha Gudidda ayaa wada qabtay shir Jaraa’;id oo ay Saxaafadda kula hadleen.

Shirkaasi jaraa’id ayaa waxa ka hadlay Gudoomiyaha Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cumar Sanweyne waxaanu yidhi “Saaka gudida Dhaqaalaha Baarlamanka Somaliland waxanu booqanay Madaarka Cigaal ee Caalamiga ah, si aanu ugu kuur galo madaarku sida uu u shaqeeyo, sida uu dadweynaha ugu adeego, iyo sida cashuuraha looga qaado dadka, iyo in ay yihiin cashuuruhu kuwii Baarlamanku ansixiyey, hawlo cayankaas ah ayaanu saaka u soo booqanay madaarka.”

“marka hore waxaan u mahad celinayaaa Wasiirka Wasaaradda Duulista Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo shaqaalaha tiimkiisa la shaqeeya ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, oo si wanaagsan noo soo dhaweeyey, waxa jira dhulka qaar aanu tagno oo nalaga yar shakiyo, oo nala yidhaado waar nimankani maxay wadaan?, xaqiiqatan si wanaagsan oo hufan isu dhaalitiran ayey Wasiirka iyo tiimkiisu noo soo dhaweeyeen, wixii su’aalo ah ee aanu weydiinayna way nooga jawaabeen,”

Gudoomiye Sanweyne ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ halkan waxaanu ka cadaynaynaa in aanu tagnay Madaarka Berbera, intaanan kan iman, oo wakhtigan xaadirka ah diyaaraduhu aanay iman lagana shaqaynayo Terminal kiisa, waxaanu ku soo aragnay Terminal Caalami ah xaqiiqatan, haday tahay qaybta dhoofka iyo soo degista dhismaaha loogu tallo galay iyo shandadahoodaba, sida loogu shaqaynayo, inkastoo la dhisayey madaarkii oo in yar oo xaabxaabis ahi u hadhsanayad, hadana waxaanu ku soo aragnay Terminal International ah oo sida dunida u eg, kan Hargaysana sidaa si le’eg, waxaanu isagana ku aragnay in uu aad iyo aad ula jaan qaaday, madaaradda Caalamiga ah ee dunidda, waxa u daliila ah taas diyaaradaha soo fadhiisanaya nooca ay yihiin, iyo kuwa ka kacayaa nooca ay yihiin, adeega loo qabato umadda waa adeeg fiican, shirkayaga waxaa ka soo qayb galay shirkada NASHA, Maamulka Waaxaha Wasaaradda iyo Kuwa Madaarka, iyaga oo noo iftiimiyey lacagaha cida qabta iyo halka ay ku dhacdo, sida dadka looga qaado, way noo soo wada bandhigeen si isu dheeli tiran, aad iyo aadna way ugu mahadsan yihiin, dhinaca horumarka, wadamo badan ayaan tagay markaa Madaarku waa meesha ugu horaysa ee ishu qabato, dee madaarka Hargaysa waa madaar ishu qaban karto, oo amaantiisa Wasiirka iyo Tiimkiisu ay wada leeyihiin iyo umadda Somaliland ba.” Ayuu yidhi Xildhibaan Sanweyne.

IMG_2046Sidoo kalena waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo yidhi “ markaanu anagu dhinaca mucaaridada ka yar eegayno, haruumarka meelo badan waxaanu dhaliilnaa nadaamka, hadaanu xisbiga WADDANI nahay, waxa weeyaan waxyaabaha xaqiiqada ah in si masuuliyadeed loo sheego waa sax, oo aan laysku canbaarayn, oo dee wasaarado badan waxaanu ku dhaliilnaa daaraha la dhisay iyo dadkii shaqaynayey iyo nidaamkii way isku dhexdaadsan yihiin, laakiin Madaarka Cigaal qaybaha uu ka kooban yahay iyo sida loo shaqaynayo aad iyo aad ayaa nidaam loogu sameeyey oo wuu ka duwan yahay meelaha kale, horumar fiican ayaa muuqda, masuuliyiintuna way ku mahadsan yihiin ayaan leeyahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Tukaale.

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo gabagabadii kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waxaan guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland ugu mahad celinayaa safarka iyo kormeerka shaqo ee ay noogu yimaadeen, waxa naga go’an masuuliyada iyo sharciguna uu na farayaa inaanu la shaqayno hay’adaha kala duwan ee Qaranka, sida kuwa baadhitaanada iyo gudiyada Golayaasha sharci dajinta, waxaanu jcelanahay inaanu la shayqano, waxaanu diyaar u nahay inaanu hor tagno marka ay naloo yeedho, wixii nalooga baahdana diyaar ayaanu u nahay inaanu iftiimino, dawladnimadu qaabka aynu u dhisnay ee ay tahay waxa weeye inay waaxaha Qaranku ay isku hubiyaan masuuliyadaha iyagoo xilkooduna uu kala duwan yahay, oo ay hay’adu sharciga dajiso, inay midi fuliso, iyo in mid kale ay xukunka hayso waa Garsoorkee. In laysa saxo lays dhaliilana waanu ogol nahay, taloolyinka wadankaa ku toosa, mucaaridka wanaagsani waa mid aanu soo dhawaynayno xukuumad ahaan, Xukuumad bisil ayaanu nahay, waxaanu u aragnaa inay tahay wax wanaagsan in nala toosiyo, waxa wanaagsan ee la qabtana in la qiro ayaanu jecel nahay.”

Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “Madaarkan Caalamiga ah ee Cigaal ee maanta ay xildhibaanadu noogu yimaadeen, waa Garoonkii Caasimadda waxaanu is leenahay meel weyn oo magaca leh kaga soo hadha, waxa aanu rajaynayaa inaanu qabyo-tirno mashaariicaha horumarineed ee socda, waxa kale oo muhiima in maamul iyo nidaam wanaagsan la dhiso, daaro uun maahee, arintaas is badal weyn ayaanu ka samaynay, isna dhigan mayno ee halkaaa ayaanu ka sii wadaynaa, waxan aanu jecelahay inaanu wadankeena danahiisa guud ka shaqyanayo mucaarid iyo muxaafidba, horumarkiisa, nabadiisa iyo isku duubnidiisa aynu ka wada shaqayno.”

Wasiirka Duulista Somaliland ayaa sidoo kalena intaasi ku daray ,“ Xubnaha Golaha wakiilada waan ku hambaynayaa shaqada ay hayaan, anaga dhiiri galin ayey noo tahay shaqada ay guddiyadu hayaan, Golena guddiyada ayuu ku shaqeeyaa, waxaan Golaha Wakiilada anigoo fursadan ugu faa’iidanaysanaya aan u soo jeedinayaa codsi guud oo aan leeyahay Golaha waxa naga hor yaala xeer Wasaarad ahaan muhiimad weyn noo xanbaarsan, oo ah Xeerkii abuursita hay’adda madaxa banaan duulimaayada madaniga ah ee Somaliland, xeerkaas dalkeenu wuu u baahan yahay, duniduna way inaga sugaynaysaa, Golaha waxaanu ka codsanayaa inu xeerkaasi naloo ansixiyo, mudanayaashuna ay waajibkooda ka gutaan, hadii uu golahu wax ku darayo, haduu wax ka badaladyaba waa waajibka Golaha, anaguna waxaanu danaynaa ka Xukuumad ahaan inuu xeerkaasi gudbo, waayo in badana ayuu golaha horyaalay.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.